Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Deyn cafinta Kadib , Maxeey Yihiin saddexda arrin ee waaweyn oo laga rabo Soomaaliya?

Arbaco-December-13-2023 –  Dowladda Soomaaliya ayaa caawa u dabaal-degaysa in laga cafiyay deyn ka badan 5-bilyan oo dollarka Mareykanka, taasi oo ay badankeed ku lahaayeen Mareykanka, Faransiiska, Ruushka, IMF, World Bank iyo Paris Club.

Guddiga Sare ee Hay’adda Lacagta adduunka ee IMF ayaa caawa si rasmi ah ugu dhawaaqday deyn cafinta Soomaaliya.

60 sano kadib caawa Soomaaliya waa laga cafiyay deynta, waana guul kale oo taariikhi ah oo dowladda Soomaaliya ay gaartay isla bishan December ee dhamaadka 2023-ka.

Arrintaan ayaa guul weyn iyo fursad u ah shacabka Soomaaliyeed, sidoo kalena dhinaca kale waxaa ka dhalanaya arrimo dhowr ah, oo laga rabo Soomaaliya;

Abuurista ilihii isku filnaanshaha
Kadib markii caawa lagu dhawaaqay in Soomaaliya laga cafiyay deynta waxaa dowladda federaalka ah ay ku qasban tahay abuurista ilihii isku filnaanshaha.

Waxaa istaagi doonta inta badan kaalmadii lacageed ee ka imaan jirtay dibadda.

2020-kii heshiiskii IMF iyo dowladda Soomaaliya wuxuu ahaa in dalkaan Geeska Afrika la siiyo 395 Milyan oo dollar muddo saddex sano ah, iyaguna intaasi ku dhameystiraan shuruudaha ku xiran deyn cafinta sida; kordhinta dakhliga gudaha, kor u qaadista waxbarashada iyo dhimista saboolnimada.

Heshiis cusub ayay markale gaareen IMF iyo dowladda Soomaaliya, waana in dowladda Soomaaliya la siiyo 100 Milyan oo dollar saddexda sano ee soo aadan 2023 illaa 2026.

Waxaa lacagtaan laga bixinaya sanduuqa taageerada dalalka aan dakhli ahaan isku filneyn. Halkan waxaa ka fahmi karnaa isbeddelka farqiga hoos u dhaca ah ee ku yimid lacagtii iyo isbeddalka cinwaankii lacagta lagu siiyay dowladda Soomaaliya.

Saddexdii sano oo hore waxay bixiyeen 390 Milyan laakiin saddexda sano ee soo socota waa 100 Milyan, tallaabadan waxaa la yiraahda “isku tasho”.

Suulinta musuqa, si u kordho dakhliga gudaha
Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxay canshuurta Muqdisho oo keliya. Caasimada sanadkii lacagta laga qaado wallow ay aad u badan tahay haddana inta Bangiga Dhexe ee dowladda ku dhacda waxay u dhaxeysa 250 Milyan illaa 300 Milyan oo dollar, balse dadka xogta dhaqaalaha la socda waxay sheegayaan in tiro intaasi ka badan la dhaco.

Micnuhu waa in haddii ay dowladda ka adkaato musuq-maasuqa kunka weji leh ee Muqdisho yaalla inay caasimada sanadkii ka heli karto lacag dhan 600 iyo 700 Milyan oo dollar.

Mideynta canshuuraha dalka
Canshuurta dalku ma mideysna. Maamul goboleedyada ma rabaan in canshuurta la middeeyo, waana in taasi xal loo helo, si dhaqan-gal u noqoto.

Deyn cafinta kadib dowladda dhexe ee Soomaaliya waxaa laga rabaa inay isku filnaato, si taas loo gaaro waa in musuq-maasuqa laga adkaado, maamullada lagu qanciyo in canshuurta la mideeyo, la abuuro jawi nabadeed oo maalgashi keeni kara, kheyraadkana laga faa’iideysto oo suuq loo raadiyo.

Dhamaan arrimahaan waa xujooyin cul-culus oo horyaalla dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, taasi oo hadba sida loo xaliyo ay ku qeexi doonto halka uu qaranku gaari karo sanadaha soo socda.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA