Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dowladda Kenya oo ku dhowaaqday in Dalkeeda Visa la’aan la tagi karo

Arbaco-December-13-2023-{HMC} William Ruto Madaxweynaha Dalka Kenya ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu qaadday shuruudihii dal-ku-galka ee dhammaan dadka ajaanibka ah ee dalka Kenya imanaya.

 

Ruto ayaa sheegay in tallaabadani ay dhiiri-gelin doonto isu socodka dadka iyo badeecadaha xorta ah, ayna Kenya u fureyso fursado badan oo ganacsi.

 

Madaxweynaha Kenya ayaa arrintaan uga dhawaaqay munaasabadda xuska sanad-guuradii 60-aad ee maalinta xoriyadda dalka Kenya, waxayna si rasmi ah u dhaqan-geli doonta horraanta bisha January ee 2024-ka.

 

“Waxaa meesha ka bixi doonta dhibaatadii ay markii hore dadka imaanaya Kenya ama usoo safraya ay ku qabi jireen inay soo dalbadaan dal ku galka dalka Kenya,” ayuu yiri Ruto oo gebi ahaanba qaaday shuruudihii dal-ku-galka Kenya.

 

Tallaabadan ayaa waxaa si weyn usoo dhaweeyay siyaasiyiinta Kenya, waxayna u arkaan tallaabada ay Kenya ku qaaday shuruudihii soo dalbashada dal-ku-galkeeda ay u horseedi karto fursado kala duwan oo dhanka horumarka ah.

 

“Waa arrin cusub oo hore u jirin, aad ayay dadka ugu adkaan jirtay in la helo Visa lagu soo galo dalka Kenya. Tan aad ayay u fiicnaan doonta oo waxay badin doonta dadka dalxiiska waddanka kusoo gali lahaa iyo wixii ganacsi iyo si walba uga faa’iidi lahaa imaanshaha waddankaan,” ayuu yiri Maxamed Simba oo kamid ah siyaasiyiinta Kenya.

 

Simba ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in arrintaan Kenya u horseedi karto in dalalka kalena ay sidan oo kale sameeyaan, oo muwaadiniinta Kenya ay u fasixi karaan in Visa la’aan ku aadi karaan dalalkooda.

 

Qorshahan ay Kenya ku laashay shuruudihii dal-ku-galka ee dhammaan dadka ajaanibka ah ee dalka Kenya imanaya ayaa waxaa ka dhalan doona tallaabooyin cusub oo ay mari doonaan marka dadka kasoo degaan garoomada dalka Kenya.

 

Dowladda Kenya ayaa sidoo kale shaacisay inay diyaarisay qalab casri ah oo lagu hubinayo dhamaan dadka usoo safraya Kenya ama soo galaya, si arrintaan dhaqan-gal u noqoto, sida uu sheegay madaxweynaha dalka Kenya William Ruto.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA