Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Munaasabad Loogu dabaaldegayo Guusha deyn cafinta oo ka socota Villa Somalia

Arbaco-December-13-2023 –  Munaasabadda loogu dabaal-dagayo guusha taariikhiga ah ee Soomaaliya looga cafiyey deynta, ayaa ka socota xarunta madaxtooyada Somalia gaar ahaan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo ay munaasabadda goobjoog ka yihiin Madaxda dalka iyo qeybaha bulshada.

Madaxda ku sugan munaasabadaas ayaa waxaa ka mid ah RW Xamse Cabdi Barre, xubno ka tirsan golaha Wasiirada, gudoonka Baarlamanka, Xildhibaano, saraakiisha amniga iyo xubno kale, iyadoo laga jeedinayo khudnado la xiriira guusha Somalia u soo hoyatay.

Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta adduunka ee IMF ayaa goordhow si wadajir ah ugu dhawaaqay in Soomaaliya laga cafiyey lacagihii deymaha ahaa ee lagu lahaa sanado badan kaddib dadaallo sanado socday iyo shuruudo badan oo Soomaaliya ka soo gudubtay.

War saxaafadeed ay si wada jir ah u soo saareen hay’adda lacagta aduunka ee IMF iyo bankiga aduunka, ayaa lagu sheegay in la ansixiyey cafinta deynta lagu leeyahay Soomaaliya, taas oo dhan $4.5 bilyan oo doolar.

“Cafintan deynta ayaa fududeyn doonta helitaanka ilo dhaqaale oo dheeri ah oo muhiim ah kuwaas oo ka caawin doona Soomaaliya xoojinta dhaqaalaheeda, yareynta faqriga, korna u qaadi doona shaqo abuurka” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA