Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Soomaaliya oo ku guuleystay in daynta laga cafiyo

Arbaco-December-13-2023   WASHINGTON — Guddiyada Fulinta ee Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) iyo qeybta Horumarinta Caalamiga ah (IDA) ee Bankiga Adduunka ayaa ansixiyay barta dhamaystirka Soomaaliya ee barnaamijka deyn ka-cafinta dalalka saboolka ah deymaha badan lagu leeyahay (HIPC).

Barnaamijka ayaa Soomaaliya looga cafiyey deyn dhan $4.5 bilyan oo dibedda looga lahaa.

Kadib barta geba-gebada ee HIPC, deynta dibadda looga leeyahay Soomaaliya oo markii hore u dhigantay 64 boqolkiiba dakhliga gudaha (GDP) ee 2018-kii, waxay hadda noqotay kaliya 6% dhammaadka 2023.

Dayn cafintan ayaa fududeyn doonta helitaanka ilo dhaqaale oo dheeri ah oo muhiim ah, kuwaas oo ka caawin doona Soomaaliya xoojinta dhaqaalaheeda, yareynta saboolnimada, korna u qaadi doona shaqo abuurka, sida lagu yiri bayaan wadajir ah oo kasoo baxay Bankiga Adduunka iyo IMF.

Daynta gudista Soomaaliya ayaa waxaa kala bixiyey IMF ($343.2 milyan), IDA ($448.5 milyan), Sanduuqa Horumarinta Afrika (ADF) (131.0 million), deyn bixiyeyaal kale ($573.1 million), iyo dalal iyo ganacsiyo kale ($3 bilyan).

Dayn-bixiyayaasha kale ayaa waxaa ku jira Naadiga Paris (Paris Club) iyo Kooxa Iskaashiga Carabta.

“Hanaanka deyn cafinta Soomaaliya waxa uu ahaa ku dhawaad toban sano oo dadaallo dowladeed oo is-daba-joog ah oo socday saddex maamul siyaasadeed. Tani waxay muujineysa sida ay nooga go’an tahay qarankeena iyo mudnaanta aan siineyno ajendahan muhiimka ah ee wax badan noo suurta-gelinaya,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

“Si ay Soomaaliya ugu dhaqaaqdo jihada wanaagsan ee dhaqaale ee aan dhammaanteen u baahanahay, waxay ahayd inaan dib u habeyn ku sameyno sharciyadeena, nidaamkeena, siyaasaddeena, iyo dhaqankeena. Gaaritaanka Barta Dhamaystirka ee HIPC waa miraha dib-u-habayntan. Markii ay xukuumaddaydu go’aansatay barnaamijkan dib-u-habaynta ku dhawaad 10 sano ka hor, tani waxay ahayd natiijadii aan ku taameynay.”

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA