Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

War-murtiyeed laga soo saaray shirkii amniga Soomaaliya ee New York

Arbaco-December-13-2023-{HMC} NEW YORK — War-murtiyeed ayaa laga soo saaray shirkii ku saabsanaa amniga Soomaaliya ee 12-kii December 2023 ka dhacay magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Shirkaas ayaa waxaa guddoomiyey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana kasoo qeyb-galay wakiilo ka socday Midowga Afrika, Midowga Yurub, Qatar, Saudi Arabia, Turkey, Imaaraadka, UK, QM, Mareykanka iyo 23 dal oo kale oo ka mid ah saaxiibada Soomaaliya.

War-murtiyeedka ayaa lagu amaanay horumarka ay ciidamada Soomaaliya, ayaga oo taageero ka helaya ATMIS iyo saxiibada caalamka ka sameeyeen dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

“Ayada oo looga mahad-celinayo dadaalka iyo naf-hurnimada ciidamada Soomaaliya, tuulooyin iyo magaalooyin badan ayaa laga saaray Al-Shabaab. Istaraatiijiyadda dhameystiran ee ka-hortagga argagixisanimada ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa fure u ahayd horumarka Al-Shabaab looga xoreeyey aagag cusub, lagu wiiqay dhaqaalahooda, sare na loogu qaaday heerka xubnaha kasoo gosoanaya,” ayaa lagu yiri bayaanka.

War-murtiyeedka ayaa sidoo kale ku amaanay dowladda Soomaaliya tallaabooyinka ay u qaaday la wareegista amniga dalka, ayada oo wejiga koowaad ee bixitaanka ciidamada ATMIS la dhameystiray June 2023, halka wejiga labaadna uu socdo lana filayo in lasoo geba-gebeeyo 31-ka December 2023.

Shirka ayaa sidoo kale ammaanay qaadista xayiraadda hubka ee muddo 32 sano ah saarneyd Soomaaliya.

“Waxaan qireynaa qaraarkii dhawaan ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo guusha Soomaaliya ay ka gaartay qaadista cunaqabateynta hubka ee tobanaanka sano saarneyd, taasoo awood u siisay dowladda qalabeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, iyadoo ciidamada ATMIS ay sii yaraanayaan kana baxayaan Soomaaliya 31-ka December 2024,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.

Marka ay noqoto dhinaca dhaqaalaha, war-murtiyeedka ayaa Soomaaliya ugu hambalyeeyey, sare u qaadista dakhliga gudaha, ku biirista ururka bulshada bariga Africa ee (EAC) iyo hanaanka dayn-cafinta oo la filayo in si rasmi ah loo soo gabe-gebeeyo maanta.

Ka qeyb-galayaasha waxa ay qireen in taageerada joogtada ah iyo wadashaqeynta dowladda federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka loo baahan yahay si looga faa’iideysto guulaha la gaaray.

Shirka ayaa soo dhoweeyey qorshaha horumarinta qaybta amniga ee lagu soo bandhigay shirka, kaas oo ay ku jiraan dhisidda ciidamo iyo hay’ado amni oo leh tayo, hufnaan iyo isla xisaabtan, kuwaasi oo fududeeya dadaallada nabad-dhisidda.

“Waxaan qiraynaa in ciidamada xoogga Soomaaliyeed ay wajihi doonaan dalabaadyo kala duwan oo isku mid ah, kuwaas oo u baahnaan doona taageero dibadeed si wax looga qabto daldaloolada awoodda ee muhiimka ah inta lagu jiro xilliga kala guurka,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA