Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ciidamada Dowlada oo Howlgalo Ka fuliyay Deegaanada udhaxeeya Gobolada SH/Dhexe iyo Mudug

Khamiis-December-14-2023 – Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan Guutada 24-aad ee Khaalid Binu Waliid ayaa maanta howl-gallo ka sameeyay dhulka howdka ah ee ku dhuumaaleysanayaan kooxda AS.

Howl-galladan ayaa ka dhacay Hoowdka u dhaxeeya Cali-Heele iyo Daaru-nimco, halkaas oo ay ciidamada ka ceyriyeen dagaal-yahaano AS ah oo si dhuumaaleysi ah ku soo galay.

Taliyaha Guutada Khaalid Binu Waliid Maxamed Dhagaweyne oo warbaahinta qaranka la hadlay ayaa waxaa uu xaqiijiyay in ciidamada ay maleeshiyaadka Shabaab ka sifeeyeen deegaano dhowr ah.

Taliye Dhagaweyne ayaa sheegay in tuullooyonka Buurmuqle, Labi oow Xasan iyo deegaano kale laga sifeeyay dagaal-yahaanada AS, kuwaas oo ahaa dhul howd ah oo kooxda gabaad ka dhiganaysay.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo isgarabsanaya ayaa guullo wax ku ool ah ka gaaray wejiga koowaad ee dagaalka oo haatan geba-gebo ah, kaasi oo lagu xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan gacanta ku haysay kooxda.

Sidoo kale waxaa kooxda looga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan, ayada oo laga burburiyay xarumo ciidan iyo goobo keyd u ahaa.

Si kastaba, Howl-galka ballaaran ee lagu wajahayo AlS ayaa waxaa kuu baxeysa in ay wajaheyso waqtigeedii ugu adkaa, muddadii maleeshiyadeeda ay dalka ka dagaalamayeen.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA