Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Bur Bur Xoogan oo ka so Gaaray Fatahaadii dhawaan ku dhufatay Magaalada Baladweyne

Khamiis, December, 14, 2023 {HMC} Fatahaadii dhawaan ku dhufatay Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa bur bur xoogan u geysatay ina badan dhismayaashkii magaalada oo ay ugu horeeyaan guryaha dadka ay daganaayeen kuwaas oo Xaafadaha qaar ay biyaha ka sara mareen.

Sido kale fatahaada ayaa dhawac xoogan u geysatay wadooyinka iyo Buundooyinka Magaalada Baladweyne waxaana laga cabsi qabaa in ay godo Buundada nuur xawaad oo ah mida dhawac ugu weyn ay u geysteen Biyaha Fatahaada.

Wadooyinka qaar ayaa go ay ama mesha ka baxay kadib markii ay dulmareen biyaha fatahaada wabiga Shabelle kuwaas oo dul marayay in ka badan 25 maalin oo xiriir ah.

Gudoomiyaha Dagmada Baladweyne Cumar Cismaan Calasoow oo ka hadlaayay dhibaatooyinka ay ku reebtay fatahaada Magaalada Baladweyne ayaa walaac xoogan ka muujiyay isticmaalka buundooyinka ay bisha dhaawaca u geysteen.

Cumar Cismaan Calasoow ayaa sidoo kale sheegay in ay joojiyeen isticmaalka gaadiidka labada buundo ee kala ah Buundadada Nuurxawaad iyo buundo liiq liiqato kadib markii ay ka baqeen in ay dumaan labadaas buundo.

“Lama furidoono labada buundo iyo wadooyinka muhiimka ah ee ay saameyeen Fatahaada wabiga shabelle ilaa laga dayactiro oo laga hagaajiyo dhaawacii ka so gaaray biyaha Fatahaada wabiga shabelle kuwaas oo ay ku dhaxjireen ku dhawaad mudo bil ah “ayuu yiri Gudoomiyaha Dagmada Baladweyne Cumar Cismaan Calasoow.

Mudooyinkii danbe Magaalada Baladweyne si isdabajoog ah ugu so noq noqonaayay Fatahaada uu sameeyo Wabiga Shabelle ee dhaxmaro Magaalada.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA