Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Madaxweynaha Soomaaliya oo Ka Hadlay Arimaha dayn-caafinta Soomaaliya

Khamiis-December-14-2023 – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay guusha uu dalku ka gaaray barnaamijkii deyn cafinta, isagoo hambalyo kadib bayaaniyey qorshaha xiga deyn cafintaan, balse wuxuu shaaciyey arrin aysan dad badan ka fahansaneyn dayn-cafinta

Madaxweynaha ayaa sheegay in adduunyadu ay abaal-gashatay Soomaaliya, isagoo sheegay in Soomaaliya ay guuleysatay inay dib ugu laabato hanaankii dhaqaalaha dunida oo waayo badan ay ka maqneed.

“Dalku 10 sano ayuu ku soo jiray barnaamijkaan deyn cafinta, masuuliyiin iyo xukuumado kala duwan ayaa ka soo shaqeeyey maanta ayaa la soo gaaray gunaanadkii oo nala ka cafiyey 5-tii bilyan ee deynta aheyd,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay inay jirto lacag kale oo Soomaaliya weli lagu leeyahay, taas oo aan laga cafi karin, laakiin loo ogolyahay inay tartiib-tartiib isaga bixiso, lacagtaas ayaa la sheegay inay tahay 6 milyan.

Madaxweynaha ayaa dadka Soomaaliyeed ka codsaday inay dowladda garab istaagaan, si ay kaga maaranto inay deyn qaadato, si gaar ah canshuur bixiyeyaasha ayuu Madaxweynuhu ka codsaday inay iska dhiibaan canshuuraha ku waajibay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya loo ogolyahay inay deyn qaadato, balse dowladiisu aysan soo qaada doonin deyn aan loo heyn qorshe lagu gudayo.

“Madooneyno in dalkaan dib loogu celiyo deyn kale, maanta waan awoodnaa inaan deyn qaadano, balse ma qaada doono deyn aanaan iska bixi karin,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Xasan Sheekh ayaa shacabka Soomaaliyeed uga digay in magacooda lagu soo qaato deymo aan la bixi doonin oo Soomaaliya ku celin kara in mar kale ay caalamka tuugsato.

“Barnaamijkaan anaga ayaa soo bilownay, kadibkeen ayaa laga soo shaqeeyey, mar kale ayaan hadda ku guuleysanay inaan dhameystirno, farxad gaar ah ayey ii tahay aniga inaan nasiib u yeeshay, howshaan dad aad u badan ayaa soo qabtay, waana ku mahadsan yihiin maanta waa guuleystay dadaalkoodii,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA