Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Waa Maxay Mowqifka Mucaaradka ee ku aadan Doorashada Puntland?

Khamiis-December-14-2023 –  Mucaaradka Puntland ayaa ku gacan sayaray guddi uu magacaabay madaxweyne Saciid Deni, kaas oo loo xil saaray ‘ansixinta iyo xallinta khilaafaadka golaha wakiillada’.

Faarax Cali Shire oo ka tirsan mucaaradka ayaa sheegay in ay u arkaan guddigaas mid aan dhex dhexaad ahayn, ‘oo aan la marin shuruudihii lagu soo xuli lahaa’.

Faarax oo aad uga hadlay xagga dhexdhexaadnimada guddiga ayaa yiri “waa dad dhanna qaraabo ah, qaarna ay xubno ka yihiin xisbiga madaxweynaha ee Kaah.”

Wuxuu Faarax Cali Shire intaa ku daray in aan la marin nidaamkii lagu soo xuli lahaa xubnaha guddigaas isagoo xusay inay ahayd in madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha Baarlamaanka ay ka wada tashadaan.

Xubnaha guddigaas waxay isugu jiraan dad siyaasiyiin ah iyo kuwo aan siyaasadda ku jirin, Caasimada Online waxay ogaatay in xubnaha guddiga ee la diidan yahay qaarkood ay ku jiraan xisbiga Kaah ee madaxweyne Deni.

Isaaq Axmed Xasan oo ah guddoomiyaha guddiga uu magacaabay Saciid Deni, wuxuu 10 sano soo ahaa guddoomiyaha degmada Waaciye ee gobolka ay Puntland ula baxday Karkaar.

“Waxaa muhiim ah in la helo marjac dib loogu laabto oo xalliya wixii khilaaf ah ee yimaada, kaas oo ay isimadu garwadeen ka yihiin, Madaxweynuhu waa inuu dhageystaa isimada dhaqanka, maadaama ay ku lug leeyihiin xulista xildhibaannada,” ayuu yiri siyaasi Faarax Cali Shire.

Dhawaan ayey ahayd markii la xalliyey murankii ku saabsanaa doorashada madaxweynaha Puntland, ayadoo la go’aamiyey in 66-ka xildhibaan ee baarlamaanku ay soo doortaan xilligii doorashada loogu tala galay inay dhacdo ee 8 Janaayo, ayadoo sannad kadibna la qaban doono doorashada baarlamaanka.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA