Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Wiilka Madaxweyne Xasan Shiikh oo dib ugu laaban doona Dalka Turkiga si Loo Maxkamadeeyo.

Khamiis, December, 14, 2023 {HMC}  Wiilka uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalmaha soo socda ku laaban doona dalka Turkiga si uu u wajaho maxkamaynta shilkii dhimashada sababay ee uu ku galay magaalada Istanbul, sida uu sheegay wasiirka caddaaladda ee Turkiga Khamiista maanta.

 

“Waxaan wadahadal la yeelanay wasiirka caddaaladda iyo hay’adaha garsoorka Soomaaliya. Waxaa suurtogal u noqon doonta in eedaysanuhu uu yimaado Turkiga oo uu ka qayb qaato hannaanka maxkamadaynta maalmaha soo socda.” ayuu yiri wasiirka cadaaladda Turkiga Yilmaz Tunc oo saxaafadda la hadlay.

 

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AP in wiilkiisa 40-jirka ah uusan ka cararin Turkiga.

 

Waxa uu sheegay in uu kula taliyay in uu dib ugu laabto oo uu isa soo taago maxkamad. Maxamed Xasan Maxamuud oo ah dhakhtar ayaa ku sugnaa Istanbul maalmo kadib markii uu shilku dhacay, sida uu sheegay madaxweynaha Soomaaliya.

 

“Waxaan sameyn doonaa wax walba oo aan awoodo si aan u xaqiijiyo in wiilkaygu uu ixtiraamo sharciga Turkiga, uuna hor istaago maxkamadaha Turkiga,” ayuu madaxweynaha Soomaaliya ku yiri wareysi looga qaaday xarunta Qaramada Midoobay ee New York.

 

Turkiga ayaa xiriir dhow laleh Soomaaliya tan iyo sanadkii 2011-kii, markaasoo Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan — oo xilligaasi ahaa Ra’iisul Wasaare- uu booqasho ku tagay Soomaaliya si uu u muujiyo taageerada dadka Soomaaliyeed ee la ildarnaa abaaraha.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA