Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Xukunka Guddoomiye ku xigeenkii Dagmooyinka Hodan iyo Xamarwayne ee lagu eedeeyay Ka mid ahaansha AS

Khamiis, December, 14, 2023 {HMC} Abuukar Salaad Maxamuud oo Dowladda Soomaaliya kasoo qabtay Xilalka Gudoomiye Ku xiggeenka Arimaha Bulshada Degmooyinka Xamar wayne iyo Hodan 2014-2019 ayaa lagu soo eedeyay in uu ka tirsan Kooxda Argagaxisada uuna u qaabilsanaa dhoofinta iyo soo celinta kuwa dhaawaca ah ama xanuunsan.

Sanadkii 2021 ka Ugunji oo Shabeelaha Hoose ah ayuu iska xaadiriyay si u bilaabo xiriirka Khawaarijta isagoo maraya horjooge ay qaraabo ahaayeen oo khawaarijta ka tirsan oo lagu magacaabo Cabdullahi Ibraahim.

Wareysi ku dhawaad tobon daqiiqo ahaa oo baraha xiriirka dadweynaha gaar ahaan Tegramka ay ku baahiyeen Argagixisada July ee sanadkan ayuu ku sheegay in mar kale shahaadada loo qabtay isla markaana Dowladda ku tilmaamtay gaalnimada ay la jecelyihiin.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday mudaynta kiiskan waxaana laga ogolaaday Sagaalkii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku Xukuntay, Abuukar Salaad Maxamuud Shan-sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gudoomiyaha Maxkamdda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xassan Cali Nuur Shuute.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA