Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Dowladda Soomaaliya iyo Jarmalka oo kala saxiixday mashruuc cusub oo ku kacaayo in ka badan 17 Milyan oo dollar.

Jimco, December, 15, 2023 {HMC} Waxaa iska kaashanaya mashruucan cusub dowladaha Soomaliya oo ay ku matalayso Hay’adda Gargaara iyo Jarmalka oo ka wakiil ah banigga horumarinta (KWF).

Hadafka mashruucan ayaa lagu sheegay inay tahay sidii loo kobcin lahaa awooda bankiyadda Soomaaliyeed, in qeyb weyn ka qaataan horumairnta bulshada qeybaheeda kala duwan, wuxuuna mashruuca kor u qaadayaa qeybo kala duwan sida; beeraha, xoolaha, kaluumaysiga, waxbarashada, caafimaadka iyo dalxiiska.

Madasha saxiixa heshiiskan ayaa waxaa ka qeyb-galay Madaxda dowaldda Federaalka Soomaaliya, Bankiyada dalka iyo masuu’liyiin kale. Heshiiskan ay wada gaareen gargaara iyo iyo KWF waxa uu ahniyadd u leeyahay bulshada nugul sidii kor loogu qaado dhaqaalahooda.

Guddoomiyaha Hay’adda Gargaara Suleymaan Cabdil Ducaale oo warbaahinta la hadlay ayaa faah-faahiyay muhiimada ay mashaariicda maal-galinta dalkeennu u leedadahay.

“Ujeedada laga leeyahay barnaamijkan waa in awoodiinna kartidiinna iyo aqoontiinna xaga lacag bixinta ay kor u kacdo si aad ugu dhiirataan, tiina aad heysataan ee dheeraadka ah ee tan ka badan inaad bixisaan iyada naftirkeda aad maalgalin ku sameysaan,” ayuu yiri Dr. Suleymaan.

“Waxaan idin sheegayaa dalka waa dal faqri ah shaqo la’aan baa jirta dhibaatooyinka ugu waaweyn ee xitaa nabadgalyada maanta dhaawacaya waxaa kamid ah dhaqaale xumida iyo shaqo la’aanta dhalinyarada.”

Agaasimha Guud ee Hay’adda Istaatiskada Qaranka Sharmaake Maxamed ayaa isna sheegay in waddanka fursado badan tan ka ballaaran ay wadada kusoo jiraan taasi oo mudnaan siinayso horumarka bulshada iyo shaqa Abuurka.

“Sharaf gaar ayey ii tahay inaan goobjoog ahaado oo aan ka soo qeybgalo xafladan lagu saxiixayo heshiiska (KWF)lala galay tani waxay mudnaan siineysaa horumarka bulshada iyo kobaca shaqo abuurka, ka Hey’add ahaan wadshaqeynta ayaan la yeelan doonaa Gargaara,” ayuu yiri agaasime Sharmaake.

Guddoomiyaha Midowga Bangiyada Soomaaliya (SBA) Mudane Shirwac ayaa isna dhankiisa soo dhaweeyay dadaalka dowladda Soomaaliya, gaar ahaan hay’adda gargaara iyo dowladda KWF ee Jarmalka, wuxuuna tilmaamay in howlaha socda ay ka turmayso soo noolaynta hay’addaha dhaqaalaha dalka sida bangiyada.

“Waxaan ballan-qaadeynaa wada-shaqeynta dhankeenna laga filaayo, waxaan rajeyneynaa in aan ka soo bixi doono, gargaarana naguma cusbo waan la shaqeynaa ee kaliya waxaa cusub qeybtaan kale (KWF) wuxuuna heshiiskan ku soo aaday waqti munaasib ah oo deyn cafinta loo dabaaldagayo. Insha Allah gacanta waan furi doonnaa dad badan ayaa ka faa’iideysan doono oo shaqo abuur heli doono,” ayuu yiri.


Hay’adda Gargaara Lt, oo isku xirta hay’addaha maal-galinta, dowladda iyo adduunka ayaa wadda daddaalo lagu horumarinayo bulshada, gaar ahaan qeybaha muhiimka u ah adeegyada buslahda.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA