Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Wiil iyo aabihiis oo Ku dhintay Qarax ka dhacay duleedka Dhadhaab

Jimco, December, 15, 2023 {HMC} Gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo marayey duleedka xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab ee waqooyi bari dalka Kenya ayey la kacday minada nooca dhulka lagu aaso ah.

Inta la xaqiijiyay Waxaa qaraxaas ku dhintay labo qof halka 5 kalena ay ku dhawacmeen sida ay warbaahinta u sheegeen dadkii goob jooga ahaa.

Labada qof ee dhintay ayaa waxay kala ahaayeen Aabe lagu magacaabo Ugas Amin Hassan Samatar iyo wiil uu dhalay oo gaariga wax ka saarnaa.

Dhaawaca 5ta qof oo qaarkood qaba dhaawacyo aad u daran ayaa la geeyay isbitaalka Magalada Dhadhaab sida wararku nagu soo gaarayaan.

Gaarigan ayaa la sheegay iney miinadu kula kacday wadada isku xirta xerada Dhadhaab iyo degmada Mandhera, Booliska ayaana wada baaritaano la xiriira qaraxan oo loo maleynayo iney wadada dhigeen Al-shabaab oo dagaal kula jirta ciidamada Kenya.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA