Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

FIFA Oo Shaacisay Sadaxda Ciyaartoy Ee Ku Tartameyso Abaal-marinta Xiddiga Sannadka Ee The Best

Jimco, December, 15, 2023 {HMC} Xidhiidhka kubadda cagta Adduunka ee FIFA ayaa soo saaray liiska gaaban ee murashaxiinta saddexda ah ee ku tartamaysa abaal-marinta xiddiga sannadka ee The Best.

 

Bishii September ayay FIFA soo saartay liiska 12ka ciyaartoy ee murashaxiinta ah, waxaana laga saaray xiddigo waaweyn oo filayay inay kuwa ugu dambeeya noqon doonaan sida Rodri, Declan Rice iyo Kevin de Bruyne.

 

FIFA ayaa website-keeda ku shaacisay, in saddexda ciyaartoy ee Lionel Messi, Erling Haaland iyo Kylian Mbappe ay yihiin saddexda murashax ee ku kala calaf-qaadi doona abaal-marintan oo xafladda caleemo-saarka la qaban doono January 15, 2024.

 

Lionel Messi oo ah ciyaartoyga sannadkii hore ku guuleystay markii uu xulka qarankiisa u qaaday Koobkii Adduunka 2022, sidoo kalena kooxdiisii hore ee PSG uu kula guuleystay horyaalka Ligue 1, ayaa haddana ugu cadcad murashaxiinta.

 

Kylian Mbappe oo dalkiisa Faransiisku uu yimid finalkii Koobka Adduunka oo uu waliba saddexlay dhaliyey, iyo Erling Haaland oo Man City kula guuleystay Champions League, Premier League iyo FA Cup isagoo 52 gool dhaliyey ayaa sidoo kale tartame adag ah.

 

Lionel Messi ayaa sannadkii hore ee 2022 ku guuleysstay abaal-marintan, kaddib markii uu Robert Lewandowski labadii sannadood ee ka horreeyey ee 2020 iyo 2021 ku guuleystay.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA