Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Qariiradda ururka EAC ee Bariga Africa oo isbedel Lagu sameeyay iyo Soomaaliya oo Lagu daray

Jimco, December, 15, 2023 {HMC}  Waxaa isbedel lagu sameeyay qariiradda urur-goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika ee EAC.

Isbedelka lagu sameeyay qariirada ururka EAC ayaa imaneysa kadib ku biiristii Soomaaliya, waxaana lagu biiriyay qariiradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa daba-yaaqada bishii hore ee November si rasmi ah ugu biirtay dallada bulshada Bariga Afrika, ayada oo sidaas ku noqotay xubintii 8-aad ee urur-goboleedkan.

Ku biirista EAC ayaa waxay fursad weyn u tahay dadka Soomaaliyeed oo helaya suuq caalami ah, fursado ganacsi iyo socdaalka oo u fududaanayaa.

Madaxweynaha Soomaaliya oo 24-kii November guddoomay xubinimada ururkaan ayaa waxa uu ku biirista dalladan ku ammaanay khubarada iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeyey sidii dalalka ku mideysan dalladan loogu qancin lahaa aqbalaadda codsiga Soomaaliya.

“Maanta oo aan furnay bog cusub oo ka mid ah taariikhda Soomaaliya, waxaa sharaf weyn ii ah in aan idin hor istaago annagoo si rasmi ah uga mid noqonayno xubnaha dallada Bulshada Bariga Afrika. Tani kaliya kama tarjumeyso hiigsigeenna ee waa ifafaalo mustaqbal wanaagsan, fursado iyo awoodaha bulshadeenna,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxaan dalladan ugu soo biirnay in aan xoojinno xiriirka saaxiibtinimo, ka qayb-qaadanno horumarka wadajirka ah, doorna ku yeelanno mustaqbalka wanaagsan ee shucuubta gobolka.”

Soomaaliya ayaa sidoo kale markaas soo bandhigtay faa’iidada ay u leedahay shucuubta iyo dalalka Bariga Afrika in Soomaaliya ay ku soo biirto, maadaama ay tahay dal hodon ah, meel istaraatiiji ah dhaca, dadkiisuna ay hurmuud u yihiin ganacsiga qaaradda.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA