Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Xurgufta soo kala dhex gashay Aadan Barre Ducaale iyo culimada Mandheera

Jimco, December, 15, 2023 {HMC}  Culimada ‘Ahlu-suna waljamaaca’ ee ku sugan Ismaamulka Mandheera qaarkood oo warbaahinta la hadlay ayaa ka falceliyey hadal dhawaan uu ka jeediyey masjid cusub oo laga daahfuray Mandheera wasiirka gaashaandhiga Kenya Aadan Barre Ducaale.

Hadalkii wasiir Aadan Barre ka jeediyey Masjidka Mandheera ayuu ku yiri “masaajidka ha laga ilaaliyo Suufiyadda iyo takfiirka“.

Hadalkaas ayaa saamayn weyn ka dhaliyey Mandheera, gaar ahaan culimada, kaas oo culimada Ahlu suna ka dalbadeen wasiirka inuu raali galin ka bixiyo.

Fakhru diin Sheekh Cabdicasiis oo  sheegay inuu yahay gudoomiye xigeenka Ahlu-suna wal jamaaca ee Ismaamulka Mandheera ayaa sheegay inay qoonsadeen hadal uu wasiirka gaashaandhigga ka jeediyey masjid cusub oo laga furay xaafada Busley ee Ismaamulka Mandheera, “isaga oo la barbar dhigay” sida uu hadalka u dhigay “kooxda Takfiirka”.

‘‘Annagu la mid nihin Takfiir waxaana nahay Culimada Suufiyada, hadalka wasiirkana waxaan u aragnaa takfiirin waxaana ahayd takfiir, waxaan wasiirka ka dalbanay inuu arintaas raali galin ka bixiyo maadaama annagu aan nahay Culimo caan ku ah fidinta diinta islaamka ilaa qarniyo, hadalkaasna uusan noo qalmin‘‘ ayuu yiri Fakhru-diin.

Wasiirka Gaashaandhiga kenya Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in Mandheera ay u tageen inay daah furaan masjid laga furay magaalada, balse uu hadalkaas ugu nasteexeynayey dadkii uu la hadlayey.

‘‘Haddii ay jiraan dad ka xumaaday hadalkayga oo muslimiinta ah waan raali galinayaa, addise aan Aadan Barre ahay waxaanan badalayn fikirkayga ah in ummada loogu nasteexeeyo diinta iyo Xijaabka, aniguna waxaan ka hadlayey maamulka Masjidka iyo inuu noqdo mid bulshada lagu hormariyo diintooda, laguna hago noloshooda, arintaas ayaan ka hadlay “ ayuu yiri Aadan Barre.

Waxaa kale oo wasiir Barre sheegay in meelo kala duwan ay Culimadu kala soo hadleen, gaara ahaan Muqdisho hadalkaas uu yiri awgii.

Kooxda isagu ka tirsan yahay jameeco ahaan ayuu sheegay “anigu Ahlu-suna wal jamaaca ayaan ahay, anigu takfiir ma taageersani, Suufiyiintana ma taageersani, arrimo badan ayaan isku khilaafsannahay, waana inaan ka hadlo arimaha khuseeya diinta“ ayuu Yiri Wasiir Aadan Barre Ducaale.

‘‘Aadan Barre waa wasiirka difaaca wadanka kenya, kana mid ah golaha wasiirada, waxaana matalaa bulshada muslimiinta ee waddanka, haddii golaha wasiirada la keeno wax liddi ku ah diinta islaamka aniga ayaa la rabaa inaan dhaho arinkan haddaan nahay muslimiinta naga qabata mana ka gabanayo “ ayuu yiri wasiir Ducaale.

Wasiirka difaaca ayaa sheegay in isagu waqti badan galiyo dhismaha masaajidada iyo madaarista dalka Kenya, gaar ahaan gobolka waqooyi bari kenya, kuna garab siiyo culimada in la xoojiyo diinta iyo horumarinta bulshada muslimiinta ah ee dalka ku nool.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA