Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Cadaadiska saaran Ra’iisul Wasaaraha Yuhuudda oo sii kordhay.

Waxaa sii kordhaya cadaadiska xooggan ee Ehelka Maxaabiista u xiran Xamaas ay saarayaan Xukuumadda Ra’iisul Wasaaraha Israaiil Benjamin Netanyahu kaddib markii Xukuumaddu ay ku dhawaaqday in saddex Maxbuus gacantooda ku baxeen.

Ehelka Maxaabiistaan oo kaashanaya Dad kale oo qudhooda laga haysto Maxaabiis kale ayaa isku darsaday kacdoonka ka dhanka ah Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu maadaama uu diiday heshiiskii lagu dhaafsanayay Dadka la kala haysto.

Dibadbaxayaasha waxa ay wateen boorar ay ku hardhan yihiin ‘Is casil Netanyahu’ (Waan kula xisaabtami doonnaa Dadka yaga aad dishay), hala joojiyo dagaalka oo wadahadalka hala aado iyo ereyo kale oo dhammaantood sidii dabkii oo kale u gubaya Xukuumadda Netanyahu.

Walaaca ehelka Dadkoodu maqan yahay waxa uu sii kordhay kaddib markii ay isku mid noqdeen digniintii Xamaas ay ku sheegtay in Ciidanka Yuhuudda ay duqeyntooda ku beegsanayaan Maxaabiista xiran iyo hadalka Xukuumadda Netanyahu kasoo baxay.

Cadaadiska iyo Culayska la saarayo Benjamin Netanyahu waxaa dhinaca kale uga sii daran qaar kamid ah Wasiirradiisa oo kasoo jeeda Yuhuudda Xagjirka ah ee ku doodeysa in dagaal mooyee aanay xal kale lagu wajihin Maxaabiista laga haysto.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA