Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ciidanka dowladda oo Howlgalo qorsheysan ka wada duuleedka magaalada Muqdisho

Sabti, December, 16, 2023 (HMC) – Ciidamada Booliiska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa saakay howlgalo qorsheysan ka wada xaafadaha deegaanka Ceelasha Biyaha ee dhaca duuleedka magaalada Muqdisho.
Dadka deegaanka ayaa kusoo toosay saakay ciidamada oo isku fidiyay dhamaan xaafadaha deegaanka Ceelasha Biyaha, kuwaas oo sameynaya baaritaano qof iyo guri ah.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada ay gacanta kusoo dhigeen shaqsiyaad ay ku tuhmayaan iney la shaqeeyaan kooxda Al-shabaab.

Howlgalkaan ayaa imaanaya, iyadoo mudooynkii lasoo dhaafay amaanka magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho uu ahaa mid aad u wanaagsan.

Laamaha amaanka dowladda Soomaalya ayaa Muqdisho iyo agagaarkeeda inta badan ka sameeya howlgallo ay ku xaqijinayaan amniga guud ee Caasimadda.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA