Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Israa’iil oo war layaab leh kasoo Saartay Kiiska Dilka Saddex nin oo Xamaas Afduub u heesteen

Sabti, December, 16, 2023 {HMC}  Ciidamada milatariga Israa’iil ayaa duullaan xooggan ku qaaday magaalada Gaza, waxa ayna ujeedka duullaankooda ku sheegeen sidii ay usoo furan lahaayeen laheestayaal Israa’iil u dhashay iyo ajaaniib kale oo gacanta Xamaas ku jira.

War kasoo baxay milatariga Israa’iil ayey ku qirteen in gacantooda si khalad ah ugu dileen saddex nin oo Israa’iil u dhashay, kuwaa oo kamid ahaa dadka kooxda Xamaas afduub ahaanta u heesteen.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in si khalad ah uu u dhacay dilka saddexda nin oo lagu kala magacaabi jiray Yotam Haim, 28, Samer Tallalka, 22, iyo Alon Shamriz, 26, waxa ayna sheegeen in raggan si khalad ah loogu aqoonsaday in ay halis yihiin.

Ciidamada difaaca Israa’iil (IDF) ayaa sheegay in dhacdadii Jimcihii ay baaritaan ku hayaan, waxayna sheegeen in ay si qoto dheer uga xun yihiin dhacdadaas naxdinta leh, waxayna u direen qoysaska ragga ay dileen tacsi tiiraanyo leh.

Dad ka carreysan dilka milatariga Israa’iil u geesteen saddex laheeste oo Israa’iil kasoo jeeday ayaa dibad-bax ka dhigay bartamaha Tel Aviv , waxa ayna dadkan dalbanayeen in wadahadal lagu soo daayo dadka ay Xamaas heestaan.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA