Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ku dhawaad 70 Suxufi oo Noloshooda Ku wayay Dagaalka 70ka Cisho ka socda Gaza

Sabti, December, 16, 2023 {HMC}  Dagaalka Magaalada Gaza ka billowday 7dii Oktoobar 2023 oo maanta laga joogo 70 cisho waxaa ka dhashay dhimasho, dhaawac, burbur hanti & Barakac xooggan iyada oo ilaa haatan aanay jirin dedaal lagu muujinayo in dagaalkaas lagu soo afjaro.

Khasaaraha ugu badan ee Dadka rayidka ah iyo Suxufiyiinta waxaa u gaystay Ciidanka Israaiil oo duqeyn aan loo meel dayin ku beegsaday xitaa goobo ay Qaramada Midoobay si gaar ah gacanta ugu hayso sida Iskuullo, Xeryo ay degen yihiin dadka ay sida xoogga ah dhulkooda uga soo salkiciyeen ciidanka Yuhuudda & Goobaha Caafimaadka.

Marka aan si dhab ah dhexda ugu galno ujeedka warbixintaan, waxa aan si gaar ah diiradda ku saaraynaa dhibaatooyinka loo gaystay Suxufiyiinta kasoo xog-warramaysa furimaha dagaalka si ay bulshada ku sugan meelaha ka fog ay u helaan sida ay wax u dhacayaan.

Dagaalka galay maalintii 70aad waxa uu galaaftay nolosha Suxufiyiin badan oo maalmo badan ku qaatay kasoo xog-warranka goobo qaarkood ay adag tahay in laga soo tebiyo dhacdooyinka ka taagan balse naftooda ayay u hibeeyeen.

Qaarkood ayaa dhowr jeer dhaawacmay laakiin shaqadii ay hayeen uma baajin (uma joojin) oo waxa ay ka heleen dhiirragelin halka qaar kale ay ku waayeen xubnaha ehelkooda ugu dhow sida waalidkii dhalay, carruurtooda iyo xaasaskooda.

Muuqaal-duubihii Aljazeera ee Magaalada Gaza Samiir abuu Diqa ayaa sii kordhiyay suxufiyiinta ku dhintay dagaalka ka socda Magaaladaas waxaana uu kamid ah Dad ay Ciidanka Israaiil ku beegsadeen Iskuul ay si gaar ah u maamusho Qaramada Midoobay.

59 Suxufi oo u dhashay Falastiin ayaa la diiwaangeliyay in ay ku dhinteen duqeynta & dagaalka tooska ah ee ka socda Magaalada Gaza, Lubnaan waxa ay ku waysay 3 Wariye halka Yuhuudda qudhooda ay ku naf waayeen 4 Suxufi, wadartooda waxa ay ka dhigan tahay 66 Suxufi.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA