Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Qorshe culus oo Xamaas ay ka waday Yurub oo la ogaaday

Sabti, December, 16, 2023 {HMC}  Iyadoo kooxda Xamaas ay dagaal ba’an kula jirto ciidamada Israa’iil muddo labo bilood ah ayaa xiisadaasi waxay ku sii baaheysaa dunida, gaar ahaan qaaradda Yurub.

Booliska dalalka Jarmalka iyo Denmark ayaa sheegay inay fashiliyeen qorshe ay kooxo hubeysan oo taabacsan Xamaas ay ku dili rabeen dadka Israa’iiliyiinta ee ku nool Yurub, kuwaas oo ay ku tilmaameen xeelado ay ururku samaynayeen.

Saddex qof ayaa lagu xiray Jarmalka, saddex kalena Denmark iyo mid Holland lagu xiray, iyadoo ra’iisul wasaaraha Denmark ay ku tilmaantay shirqoolkaas mid halistiisa leh.

Saraakiisha Xamaas ayaa lagu eedeeyey inay keenaan hub kayd ah oo laga keenay meel aan la shaacin oo Yurub ka tirsan, lana keeno Berlin, si ay u weeraraan xarumaha dadka ka soo jeeda Israa’iil, sida ay sheegeen dacwad oogayaasha Jarmalka.

Jarmalku waxa uu sheegay in 4 ka mid ah todobada qof ee looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin ururka Xamaas ee maamula marinka Qasa, kuwaas oo dagaal aan hore loo arag kula jira maamulka Israa’iil.

Eedeysanayaasha ayaa loo heystaa inay qorsheynayeen weeraro ka dhaca Yurub, sida ay saraakiishu sheegeen, iyadoo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin.

Haya’add la yiraahdo Community Security Trust (CST oo tala ka siina amaanka iyo ilaalinta dugsiyada dadka ka soo jeeda Israa’iil iyo goobahooda kale ayaa sheegtay in warka weerarrada uu saamayn walaac leh ku hayo UK.

Hay’adaha sirdoonka Britain iyo kuwa reer galbeedka ayaa horay uga digay in dagaalka Israa’iil uu sare u qaaday khatarta weerarrada ka dhanka ah Israa’iiliyiinta ku nool Yurub.

Afhayeen u hadlay hey’adda CST ayaa yir, “Taariikh ahaan, Xamaas waligood ma muujin xiisaha ay u qabaan fulinta weeraro argagixiso meel ka baxsan Israa’iil . Waxa jiray hal ama laba goobood sannadihii la soo dhaafay iyaga oo ku xidhan laakiin ma jiraan wax miisaan weyn leh.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Laakiin haddii ay tani isbedel ku tahay siyaasadda Xamaas si ay u fuliso weerarrada ka dhanka ah bulshada Israa’iiliyiinta ah ee ka baxsan gobolka, iyadoo la raacayo Iran iyo Hezbollah, taasi aad ayay u khusaysaa. Waxay ka dhigan tahay isbeddel weyn oo ku yimid khatarta lagu hayo bulshooyinka dadka ka soo jeeda Israa’iil. Waxaa jira walaac weyn haddii xarunta Xamaas ay ku amarto dadka Xamaas ee Yurub jooga inay weerar qaadaan.”

{DAAWO MUUQAALKA} Maareeyaha Guud ee hay’adda korontada qaranka oo daah furay maanta shirka golaha korontada,

Sabti 27 July 2024 {HMC} Maareeyaha Guud ee hay'adda korontada qaranka oo daah furay maanta shirka golaha korontada, HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan Yuusuf Geelle Madaxweynaha waa in uu Dhageystaa Baarlamaanka Albaabadana uu Furaa”

Sabti 27 July 2024 {HMC} Xildhibaan Yuusuf Geelle Madaxweynaha waa in uu Dhageystaa Baarlamaanka Albaabadana uu Furaa" HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA