Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Wararkii Ugu Dambeyay Howlgal culus oo ka dhacay duleedka Magalada Muqdisho

Sabti, December, 16, 2023 {HMC}  Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay saaka ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Haramcad ay ka sameeyeen deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Howlgalka oo ahaa mid culus ayaa waxaa ciidamada ay ka fuliyeen xaafadaha deegaankaas oo dhaca waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa sheegay in ujeedka howlgalkan uu ahaa mid lagu xaqiijinayo amniga caasimada iyo deegaanada ku xeeraan.

Inta uu howlgalka socday ayaa waxaa lagu soo qabtay shaqsiyaad lagu tuhumayo inay xiriir la leeyihiin ama la shaqeeyaan AS, kuwaas oo haatan lagu haayo baaritaano.

Sidoo kale saraakiisha amniga ayaa xusay inay sii wadi doonaan howlgallada, ayna ka hortagi doonaan weerarada suurtagalka ah ee ay soo abaabuli karto kooxda AS.

Ceelasha Biyaha ayaa waxaa haatan ka howlgallo ciidamo kala duwan sida Booliska iyo kuwa Xasilinta caasimada, kuwaas oo loo geeyay inay sugaan amniga deegaankaasi.

Howlgalladan joogtada ah ee ka socda Muqdisho iyo nawaaxigeeda ayaa keenay isbeddal ballaaran oo dhanka amniga, kaas oo si weyn looga dareemay gudaha caasimada.

Waxaa sidoo kale meesha ka baxay kooxihii ciyaal weerarada iyo kuwii kale ee dhaca u gaysan jiray shacabka, kuwaas oo iyana dhibaato ku hayay reer Muqdisho.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya oo haatan dagala adag kula jirta kooxda AS ayaa la timid qorshe lagu sugayo amniga Muqdisho, waxaana yaraaday qaraxyadii dhici jiray.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA