Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Arsenal Oo Hoggaanka Premier League Kula Wareegtay Guul Ay Ka Gaadhay Brighton Iyo Wacdarihii Aston Villa

{Axad, December 17, 2023 HMC} Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa si ku-meelgaadh ah ula wareegtay hoggaanka horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, kaddib markii ay 2-0 ku garaacday Brighton oo marti ugu ahayd Emirates Stadium.

 

Laba gool oo ay qaybtii dambe kala dhaliyeen Gabriel Jesus iyo Kai Havertz ayaa Arsenal siiyey saddex dhibcood oo muhiim ah oo sabab u noqday in ay laba dhibcood dhaafaan Liverpool, sidoo kalena ay hal dhibic ka sarreeyaan Aston Villa oo booska labaad kusoo cidhiidhsatay guul waqti dambe ay ka gaadhay Brentford.

 

Arsenal ayaa iska lumisay fursado badan oo ay dersin goolal ah ku dhalin karaysay labadii qaybood ee ciyaarta, waxaana uu shabaqu diiday Martin Odegaard, Bukayo Saka iyo Declan Rice oo mid walba uu goolka la hrotegay kubbado goolal loo fishay oo uu goolhayuhu ka badbaadiyey ama ay difaacyahannadu isku dhigeen.

 

Daqiiqaddii 53aad ayaa uu Gabriel Jesus ciyaarta ku furay kubbad uu madax ku qabtay oo ahayd koorne uu soo tuuray Bukayo Saka, kaas oo markii hore halis geliyey goolka.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA