Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Ciidanka dowladda Soomaaliya oo maanta si buuxda ula wareegay amniga guud ee Madaxtooyada Dalka.

{Axad, December 17, 2023 HMC} Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay amniga guud ee madaxtooyada Soomaaliya oo 16 kii sano ee lasoo dhaafay ay gacanta ku hayeen ciidanka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ATMIS.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Dowladda Fedaraalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in talaabadan ay hordhac u tahay qorshaha ciidamada xoogga dalka ay kula wareegayaan amniga guud ee dalka.

“Amaanka madaxtooyada oo ay ku yaalaan xafiisyada madaxweynaha, Raysal wasaaraha iyo Baarlamaanka waxaa maanta si rasmi ah ula wareegay ciidanka xoogga dalka, taasi oo bilaw u ah in ciidamada dib u hantaan dhamaan amniga dalka, mar hadii madaxtooyadii ciidanku la wareegeen inta kalana way la wareegi doonaan sida ugu dhaw” ayuu yiri Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur.

Ciidamada Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ku howlgala magaca ATMIS ayaa la sheegay iney si tartiib tartiib ah uga baxayaan dalka ilaa dhamaadka sanadka soo socda ee 2024-ka, waxaana sidoo kale lagu wadaa in ilaa 3,000 oo ATMIS ka tirsan in dhamaadka bishaan ay dalka ka baxaan.

Wasiir Cabdulqadir Maxamed Nuur ayaa sidoo kale sheegay in xarumaha kale ee dowladda ay dhawaan sidoo kale la wareegi doonaan ciidanka dowladda Soomaaliya.

“Garoonka Aadan Cadde iyo dakadda weyn ee Muqdisho oo ah xarumaha ugu weyn ee dowladda ayay wali sii joogi doonan ciidanka ATMIS, ayagana waan kala wareegi doona” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Cabduqaadir Maxamed Nuir.

La wareegista ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo ciidanka ATMIS lagu wado in dhamaadka sanadka soo socda gabi ahaanba isaga baxaan gudaha Wadanka Soomaaliya.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA