Friday, May 17, 2024
spot_imgspot_img

Manchester United Oo ku dhagtay Liverpool, Soona Afjartay Inkaartii Ka Haysatay Garoonka Anfield

{Axad, December 17, 2023 HMC} Manchester United ayaa lugaha iskaga duubtay Liverpool oo ku qabatay barbarro goolal la’aan ah kulan si adag loogu xafiiltamay oo ka dhacay Anfield kaas oo Reds ay awoodi weyday inay wax goolal ah ka dhaliso inkasta oo ay ciyaarta maamulaysay.

 

Liverpool oo heshay fursado tiro badan ayaan ka faa’iidaysanin, waxaanay si rasmi ah u macasalaamaysay hoggaanka horyaalka Premier League ee ay haysay toddobaadkii hore, kaas oo hadda ku wareegay Arsenal oo ay hal dhibic ka dambeeyaan.

Manchester United ayaa iyaduna soo afjartay laba ciyaarood oo xidhiidh ahaa oo ay guul-darrooyin kasoo hoynayeen garoomada, halka Anfield oo markii ugu dambaysay lagu xasuuqay 7-0 ay hadda iskaga celiyeen Liverpool oo ay hal dhibic kaga qaateen.

Dhibicda ay Manchester United kasoo qaadatay Anfield ayaa u ahayd Ten Hag sidii guul oo kale, iyadoo ay u ahayd safarkii labaad ee uu ku tago Merseyside.

Jurgen Koopp oo ay kooxdiisu cadaadis badan ku haysay Man United, ayaa waxa fursad dahabi ah oo waqti dambe ahaa ka lumiyey Luis Diaz, halka rikoodhe ay Reds ku doodday dhamaadkii uu ka diiday garsoore Tylor.

Rasmus Hojlund ayaa ayaa u dhowaaday in uu guul aanay u qalmaynin gacanta u geliyo Manchester United waxaana uu kubadda dhinac mariyey birta.

Van Dijk iyo Mohamed Salah ayaa waxa kubbado halis ahaa ka badbaadiyey goolhaye Andre Onana oo uga dhaartay xiddigaha Reds inay shabaqiisa si fudud ku garaadhaan.

Daqiiqaddii ugu dambaysay ciyaarta waxa casaan ku baxay Diogo Dalot oo la isku raaciyey laba kaadh oo digniin ah.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Liverpool ay u dhacday kaalinta labaad oo ay ku haysato 38 dhibcood, waxaanay isku mid yihiin Aston Villa oo ay farqiga goolasha kaga horreeyaan, halka Manchester United ay ku jirto booska kaalinta toddobaad ee horyaalka Premier League.

{DAAWO MUUQAALKA} Maleeshiyaad hubeysan oo mar kalle shacab ku laayay Gal-gaduud.

Khamiis-16-May-2024 {HMC} Maleeshiyaad hubeysan oo mar kalle shacab ku laayay Gal-gaduud. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/12T3EOMWlis

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {17.05.2024}

Jimco-17-May-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn. Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahmaan macalin muuse Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud HOOS...

WARARKA