Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maraykanka iyo Israaiil oo ku dhawaqay qorshe ay uga hortagayaan weerarrada Xuutiyiinta Yemen

Axad-December-17-2023-{HMC} Maraykanka iyo Israaiil ayaa wadajir ugu dhawaaqay qorshe ay ku sheegeen in ay uga hortagayaan weerarrada Xuutiyiinta Yemen ay ku beegsanayaan Maraakiibka Yuhuudda ay leedahay & kuwa u socda xeebaha ay maamusho.

Xoghayaha Difaaca Maraykanka Lloyd Austin ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in dhowaan si toos ah ay wadajir u billaabayaan iyaga iyo Israaiil howlgallo roondo ah & kuwo lagu ilaalinayo Maraakiibka u socda dhinaca Yuhuudda.

Amniga Maraakiibtaas ayuu ku tilmaamay mas’uuliyad wayn oo dusha ka saaran loona baahan yahay in ciidamada badda ee Maraykanka & kuwa Israaiil wadajir ay uga hortagaan dhibaatooyinka khatarta ah ee muuqda waa sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeenka Xuutiyiinta Yemen ayaa shalay sheegay in ay diyaar u yihiin in ay kahortagaan Israaiil oo ay ka xayiraan doomaha marinkooda u fudud yahay dhinaca Badda Cas waxaana uu intaas ku sii daray in ay la dagaalami doonnaan cid weliba oo garabsiisa Yuhuudda.

Maraykanka ayaa kaalinta 1aad uga jira Dalalka garab taagan Israaiil waxaana welwel xooggan ku haya weerarrada ka dhanka ah Yuhuudda ee dhowrka jiho uga imaanaya kuwaas saameyn taban ka dhaliyay Bariga Dhexe.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA