Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Muuqaal-duubihii Al Jazeera oo lagu dilay Gaza

Axad-December-17-2023-{HMC} Duug ayaa loo dhigay muuqaal-duubihii Al Jazeera oo ku geeriyooday duqeymo cirka ah oo ay Israa’iil ka fulisay Gaza.

Samer Abudaqa ayaa ku dhaawacmay duqeynta oo Jimcihii ka dhacday iskuul ku yaalla Khan Younis, waxaana la dhaawacmay nin ay isla shaqeynayeen oo lagu magacaabo Wael Al-Dahdouh.

Al Jazeera ayaa sheegtay in Abudaqa uu dhiigbax u dhintay maaddaama duqeymaha xooggan ay ka hor istaagtay shaqaalaha caafimaadka inay soo gaaraan oo ay gurmad u fidiyaan.

Warbaahintan oo fadhigeedu yahay dalka Qadar ayaa sheegtay in kiiskan ay u gudbisay Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah ee ICC.

Waxay Al Jazeera sheegtay in Abudaqa uu ahaa weriyeheedii 13aad ee geeriyooda isagoo shaqo ku jira tan iyo sanadkii 1996.

Dahdouh, oo dhowr qof oo qoyskiisa ka tirsanaa ku waayay duqeymo hore oo ay Israa’iil geysatay, ayaa ka badbaaday weerarkan.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA