Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Villa Somalia oo shaacisay natiijada safaradii ugu dambeeyay ee Madaxweyne Xasan Shiikh uu galay.

Axad-December-17-2023-{HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib safaro shaqo oo uu ku tagay dalalka Mareykanka iyo Wadanka Uganda.

 

Villa Soomaaliya ayaa sheegtay in safarada shaqo ee uu galay madaxweyne Xasan ahaayeen kuwo miro-dhal ah, sida; shirkii amniga Soomaaliya ee New York iyo deyn cafinta, iyo kulamadii Mareykanka.

 

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa intii uu joogay Uganda magaalada Entebbe ku soo saxiixay heshiiska ku biiritaanka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), kaasi oo rasmi ka dhigay xubinimada Soomaaliya ee EAC.

 

Xasan Shiikh ayaa dhanka kale kulan miro-dhal ah kula soo qaatay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka ee magaalada Washington, ku-simaha ku-xigeenka Xoghayaha Arimaha Dibadda dalkaas Marwo Victoria Nuland oo uu kala hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, la dagaallanka argagixisada.

 

Madaxweynaha ayaa Mareykanka sidoo kale kulan kula soo qaatay xarumahooda magaalada Washington mas’uuliyiinta ka tirsan hay’adda Lacagta Adduunka iyo Bankiga Adduunka, isagoo uga mahad-celiyay doorkoodii guushii taariikhiga ahayd ee dalkeennu ka soo hooyay barnaamijka deyn cafinta.

 

Mr Xasan Shiikh ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York waxa uu ku guddoomiyey Shirka Amniga Soomaaliya oo lagu muujiyey muhiimadda ay gobolka u leedahay dowladnimada iyo amniga Soomaaliya.

 

Shirkaas oo ka soo qeyb-galeen dalalka, Maraykanka, Ingiriiska, Turkiga, Qatar, Imaaraatka, Sucuudiga, Shiinaha, Jabbaan, Hindiya, Itoobiya, Jabuuti, Uganda, Burundi, Talyaaniga, Jarmalka, Faransiiska, Sweden, Netherlands, Finland, Spain, Norway, Midowyada Carabta, Midowga Afrika iyo Yurub.

 

Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Soomaaliya u horseeday guullo waaweyn oo ku hagaya mustaqbal wanaagsan.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA