spot_imgspot_imgspot_img

Wadamada Britain iyo Jarmalka oo baaq u diray Ciidmada Israa’iil

Axad-December-17-2023-{HMC}  Xoghayaha Arrimaha Dibadda Britain David Cameron iyo dhiggiisa Jarmalka Annalena Baerbock ayaa mar kale ku celiyay baaqa ah “in baahi degdeg ah loo qabo in xabbad-joojin waarta” laga gaaro Gaza.

War ay si wada jir ah usoo saareen laguna daabacay wargeyska Sunday Times, ayay labada wasiir ku sheegeen in “tiro badan oo rayid ah la dlay.” Dagaalkan, ayay Israa’iil ugu baaqeen inay si degdeg ah usoo afjarto howlgalkeeda militari ee ka dhanka ah Xamaas, balse sidoo kale ay noqotaa mid waarta.

Fiidnimadii Talaadadii, Golaha Guud ee QM ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay qaraar ku baaqaya in xabbad-joojin laga gaaro Gaza, balse Britain ma aysan codeyn.

WARARKA