Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

WAR DEG DEG AH Guddiga ansixinta golaha wakiillada Puntland oo bilaabay qabashada araajida xildhibaanada

Axad-December-17-2023-{HMC}  Guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta golaha wakiiladda Puntland, ee lagu muransan yahay, ayaa sheegay inay si rasmi ah u bilaabatay qabashada araajida xildhibaanada, iyagoo soo saaray sharuudaha laga rabo xildhibaanka.

Shaacintooda ayaa kusoo aaday, kadib markii ciidamo katirsan kuwa mariiniska Puntland oo ka amar qaadanayay madaxtooyada, ay la wareegeen xarunta baarlamaanka Puntland, halkaas oo la dajiyay guddigaan.

Kadib markii ay guddigan soo saareen warkan, qaar kamid ah Isimada SSC- Khaatumo ayaa walaac ka muujiyay shaqada guddigaan oo ay ku jiraan xubo kasoo jeeda SSC- Khaatumo, kuwaas oo bilaabay shaqadooda, iyadoo aan go’aan laga gaarin 17-ka xildhibaan ee beesha Dhulbahante ku lahayn baarlamaanka.

Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale oo kamid ah Isimadda SSC ee aaminsan in 17 ka xildhibaan ee kasoo jeeda SSC laga saaro baarlamaanka Puntland, ayaa bartiisa X soo dhigay farriin sidaan u dhignayd;

“Laba mid baan kala garan laayahay. In Isimada SSC bulshada khiyaameynayaan iyo in Gudida Doorashadu khiyaameyneyso musharaxiinta.”

Hadalka Garaadka ayaa yimid, xilli uu magaalada Garowe ku sugan yahay, Garaad Jaamac Garaad Cali, oo maanta la kulmay madaxweyne Deni. Lama oga in Garaadku taageersan yahay qorshaha Puntland ee ah in xildhibaanada SSC kasii mid ahaadaan Puntland.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA