Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Xaalad cakirnaan ah oo ka Takaan Garowe iyo Ciidmada PMPF oo la wareegay xarunta Baarlamanka Puntland

Axad, December, 17, 2023 {HMC}  Ciidamo gaar ah oo ka tirsan kuwa PMPF ee Puntland ayaa xalay saq dhexe la wareegay Xarunta Baarlamanka ee Magaalada Garoowe.

Wararka ayaa sheegaya in askar si gaar ah u tababaran oo ka tirsan PMPF ay saqdii dhexe u daateen xarunta islamarkaana si buuxda ula wareegeen.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland Siciid Deni uu Ciidanka amar ku siiyay inay la wareegaan Amniga xarunta Baarlamanka

Wararka qaar ayaa ku waramaya in xaruntaas loo qorsheeyey iney ku shaqeeyaan guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada Puntland

Tallaabadan ayaa timid kadib markii la isku mari waayay wadahadal la doonayay in guddoonka Baarlamanku uu xarunta ku wareejiyo guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada.

Labada dhinac ayaa isku dhacay markii Madaxweyne Deni uu ka soo horjeestay muddo kororsi sanad ah oo ay sameysteen golaha Baarlamanka Puntland oo ka kooban ilaa 66 xubnood, waxaana arrintaas ka dhashay khilaaf iyo muran adag oo aan weli xal loo helin.

Dhinaca kale, siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ayaa diiday guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada ee uu dhawaan magacaabay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadka yahay Siciid Cabdullaahi Deni.

Shir jaraa’id oo siyaasiyiintan ay qabteen ayay ku xuseen in doorashadu ay ku dhici doonto waqtigeeda, iyagoo ku baaqay in la xaliyo khilaafaadka, isla markaana la qabto doorasho xalaal ah.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA