Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ciidanka DF oo la wareegay saldhigyo ay AS ku lahaayeen koonfurta gobolka MUDUG

Isniin-December-18-2023-{HMC} Wararka laga helayo gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ay la wareegeen saldhigyo ay kooxda AS  ku lahayd koonfurta gobolkaasi.

Saldhigyadan oo ay muddo dheer ku sugnaayeen xubnaha AS ayaa ku yaalla isgoyska Caadooley iyo balliga lagu magacaabo Dhagaxley, halkaas oo ay si buuxda ula wareegeen ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ee loo yaqaanoa Macawiisleyda.

Goobaha ay la wareegeen ciidamada ayaa u dhow deegaanka Caad oo ay haatan ka socdaan howlgallada xoogooda, si Al-Shabaab looga saaro halkaasi.

Saraakiisha howlgallada hoggaamineysa ayaa shaaca ka qaaday in sidoo kale ay khasaare gaarsiiyeen AS, ayna baacsanayaan firxadkooda, sida ay hadalka u dhigeen.

Ciidamada ayaa haatan kusii siqaya aagga buurta Yacgoos, halkaas ay oo ku sugan yihiin xubnaha AS, waxaana ujeedka u yahay in laga xoreeyo dhulkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayo koonfurta gobolka Mudug.

Howlgalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dhawaan duqeymo xoogan ay ka dhaceen duleedka Xarardheere, taas oo lagu beegsaday gaadiid ay la socdeen xubno AS.

Gobollada Dhexe ayaa waxaa weli ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah AS, kaas oo dhul ballaaran lagu xoreeyqya, kadib markii ay gaareen ciidamada huwanta.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA