Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dagaal beeleed ka dhacay Shabeellaha Dhexe iyo Wararkii ugu dambeeyey

Isniin-December-18-2023-{HMC}  Taliyaha Nabad-Sugidda dowlad goboleedka HirShabelle Macalllin Yuusuf iyo saraakiil ka tirsan booliiska ayaa ku baxay dagaal beeleed saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Taliye Macallin Yuusuf iyo ciidamo uu hoggaaminayay ayaa gaaray inta u dhaxeysa deegaannada Qurac-Madoobe iyo Aqab-duco oo hoostaga Mahadaay, halkaasi oo Jimcihii laba maleeshiyo beeleed uu ku dhexmaray dagaal khasaare culus dhaliyay.

Taliyaha iyo saraakiil ka tirsan ciidanka HirShabeelle ayaa si gaar gaar ah ula kulmay dhinacyada dagaalku dhexmaray, iyagoo ka codsaday in colaadda la joojiyo, si aan mar kale deegaannada loogu dagaalamin oo dhiig kale u daadan.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dhinacyada la kala dhex-dhigay ciidamo, si ay u joojiyaan dagaalka. Xaalada deegaannada Qurac-madoobe iyo Aqab-duco ayaa deganaa saacadihii ugu dambeeyey, mana jirio wax dagaal ah oo socda.

Dagaalka ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaana inta la ogyahay dagaalka ku dhintay hal qof, halka saddex qof oo kale ay ku dhaawacmeen. Dhaawacyada ayaa la Geyay mid ka mid ah Isbitaalada ku yaalla Muqdisho.

Muddooyinkii ugu danbeeyay ayaa waxaa deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe kusoo laab-laabanayay dagaal beeleedyo u dhexeeyay maleeshiyaad hubeysan oo gobolka wada-daga, waxaana dagaalada qaarkood lagu guuleystay in la joojiyo, balse mar kasta dib ayey usoo laabataan.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA