Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Gobol ku yaalla Suudaan oo looga dhawaaqay xaalad degdeg ah

Isniin-December-18-2023-{HMC} Mas’uuliyiinta Suudaan ee gobolka Al-Qadarif ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah kaddib markii ciidamada Rapid Support Forces (RSF) ay la wareegeen gacan ku haynta wadada isku xirta gobollada bariga Al-Jaziira iyo Al Qadarif, oo ku dhow caasimadda Khartoum.

Gobolka, oo ku hawlanaa iska-caabinta RSF tan iyo bishii Abriil, ayaa sheegay in xaaladda degdegga ah lagu dhawaaqay iyadoo la raacayo sharciga xaaladaha degdegga ah iyo badbaadada dadweynaha.

“Isu-socodka waddooyinka, bannaanbaxyada iyo furitaanka meheradaha gobolka waa mamnuuc laga bilaabo 6-da galabnimo ilaa 6 subaxnimo wakhtiga maxaliga ah ilaa ogeysiis dambe,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Kadib iska hor imaadyo xoogan oo 15-kii Diseembar ku dhex maray ciidamada gobolka iyo RSF dhulka miyiga ah ee waqooyi ee Wada Madani, oo ah magaalo dhexe, ayaa xaalad degdeg ah looga dhawaaqay gobolka Jaziira.

Markii ugu horeysay tan iyo markii uu bilowday dagaalka oo galay bishii sagaalaad, RSF waxay weerartay Wad Madani, oo ah magaalada dhexe ee gobolka istiraatiijiga ah ee Al Jaziirah, oo loo yaqaan ‘Sudan’s granary’, taasoo marin u ah dhammaan qeybaha dalka.

Suudaan waxaa hareeyay dagaallo u dhaxeeya ciidamada, oo uu hoggaaminayo General Abdel Fattah al Burhan, oo ah madaxa golaha sare ee talada haya, iyo RSF oo uu madax ka yahay General Mohamed Hamdan Daglo.

In ka badan 12,000 oo qof ayaa lagu dilay in ka badan 33,000 oo kalena waa lagu dhaawacay colaadda, sida ay bsheegtay Qaramada Midoobay. Ku dhawaad 25 milyan, oo ah kala bar dadka, ayaa u baahan gargaar bini’aadantinimo. Ku dhawaad 7 milyan oo Suudaan ku nool ayaa ku barokacay gudaha dalkaas ama waxay u qaxeen si ay ammaan uga raadsadaan dalalka deriska ah.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA