Guddiga Amniga doorashada Puntland oo soo saaray Amaro iyo go’aanno Culus.

0
144

Isniin-December-18-2023-{HMC}  Guddiga Amniga doorashada Puntland uu dhawwaan magacaabay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Isniin ah soo saaray go’aanno lagu xoojinayo amniga guud ee Puntland inta ay doorashooyinka socdaan.

Qoraal kasoo baxay guddiga amniga doorashada ayey magaalooyinka Puntland looga mamnuucay in wax hub ah lagu dhax qaato, waxaa sidoo kale musharaxiinta laga mamnuucay in gaadiid dagaal magaalooyinka ku dhax wataan.

Guddiga amniga ayaa sidoo kale faray saraakiisha iyo ciidamada ku sugan garoomada diyaaradaha iyo baraha koontarool ee laga soo galo Puntland in ay hubiyaan cid kasta oo soo galeysa Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here