Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar deg deg ah ku tegay Wadanka Kuwait

Isniin-December-18-2023-{HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa booqasho-tacsiyeed ku tagay dowladda Kuwait.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Amiirka dalkaas Mudane Sheekh Mishcal Al-Axmed Al-Sabaax dhambaalka tacsida shacabka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan geerida ku timid, Amiirkii dalka Kuwait Sheekh Nawaf Al-Axmad Al-Sabaax.

Madaxweynaha ayaa ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha Carbeed ee ka qeyb-galay tacsida Amiirka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa murugada la qeybsaday Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Amiirrada oo uu la kulamy.

Inta badan madaxda dalalka Carabta ayaa isugu tegay dalka Kuwait, si ay ugu tacsiyeeyaan dowladda iyo shacabka reer Kuwait oo dhawaan uu geeriyooday Amiirkoodii.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka mid noqday madaxda dunida Muslimka ee ka qeyb galay tacsida Amiirkii dalka Kuwait Sheekh Nawaf Al-Axmad.

Dowladda Kuwait ayaa ka mid ah dowladaha sida dhow u taageera Soomaaliya, sidoo kale waa xubin muhiim ah oo ka mid ah dalalka Carabta.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA