Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxaan ka ognahay ciidamada la wareegaya amniga Villa Somalia?

Isniin-December-18-2023-{HMC}  Ciidamada kala duwan ee Soomaaliya oo ay ka mid yihiin ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ee loo yaqaanno Koofiyad Casta iyo kuwa booliiska sida gaarka ah u tababaran ayaa maanta si rasmi ah ula wareegaya amniga guud ee madaxtooyada dalka oo horey ay amnigeeda qeyb ka mid ah wax uga sugi jireen ciidanka howgalka ku meel gaarka ah ee ATMIS.

Lix iyo toban sano kadib ciidamada ATMIS ayaa wareejinaya amniga Madaxtooyada Soomaaliya oo ah halka dalka looga arrimiyo sidoo kalena ay daggan yihiin madaxda dowladda Soomaaliya ugu sarreysa.

Qaybta koowaad ee ciidamada ATMIS oo ah Ciidamada Difaaca Dadka Uganda (UPDF) ayaa si guud mas’uul uga ah ammaanka madaxtooyada Soomaaliya oo ay ku yaallaan xafiisyada Madaxweynaha, Raysal Wasaaraha iyo Baarlamaanka tan iyo sanadkii 2007-dii.

Ciidanka ATMIS ayaa si gaar ah u sugi jiray amniga gudaha Madaxtooyada waxaana ay galbiyaan oo ilaaliyaan madaxada dowladda marka ay safar u baxayaan ama ay kasoo dagayaan sida uu sheegay Senator Axmed Maxamed Cali Afcaddeey oo soo noqday Taliyaha Ciidanka Madaxtoooyda.

“Waxaa inta badan ay joogaan albaabbada gudaha ee laga galo Madaxtooyda, marka madaxweynaha uu baxayo waa raaci jireen, sidoo kale qalabka ayay ku shaqeeyaan sida eeyaha, shaqo fiican ayay nala soo qabteen” ayuu yiri Senotar Afcaddeey.

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhigga Soomaaliya Cabdulqadir Maxamed Nuur oo wareysi siyay BBC-da ayaa sheegay in qorshaha la wareegitaanka amniga guud ee maxtooyada Soomaaliya uu ahaa qorshe in muddo ah socday, haddana lagu guuleeystay.

“Dhowaan waxaa dalka ka baxay 3000 oo askari oo ka tirsan ciidanka ATMIS, meelaha ay joogaan ee ay wareejinayaan waxaa ka mid ah madaxtooyada oo ay ku yaallaan saddex xafiis ee dalka ugu sarreeysa oo kala ah madaxweynaha, guddoomiyaha baarlamaanka iyo kan ra’iisul wasaaraha oo in muddo ay joogeen oo ammaankooda loo xil saaray,” ayuu yir Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidanka milatariga ay si buuxda ula wareegi doonaan ammaanka madaxtooyda iyo madaxda dalka, ayada oo haddii loo baahdana ay gacan siin doonaan ciidanka booliiska iyo nabad-sugidda.

Ciidamada milatariga Soomaaliya gaar ahaan guutada 77aad ee loo yaqaanno Koofiyo Casta oo hadda si buuxad ula wareegi doonto ammaanka Madaxtooyada, ayaa iyagu markii horaba qayb uga ahaa sugidda ammaanka guud ee madaxtooyada Soomaaliya, waxaana ay ku suganaayeen waddooyin dhowr ah oo soo gala madaxtooyada kuwaas oo kala ah.

•Waddada Sayidka

•Isgoyska Tiyaatarka

•Waddada Ceelgaabta

•Waddada Shimbiraale

Maxey yihiin ciidanka koofiya Casta?

xmed Maxamed Cali Afcaddeey oo soo noqday taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in ciidanka Koofiya Casta ay yihiin kuw si gaar ah loo soo xulo marka la qaadanayo, maaddama ay ilaalinayaan ammaanka guud ee madaxada dalka.

“Waa ka duwan yihiin ciidanka kale, marka la soo xulay oo waxa laga fiiray meel badan oo ay ka mid yihiin sumcada qofka,caafimaadkiisa iyo aqoonta, ayuu yir Afcadeey

Waxaa uu sheegay in ciidanka la siiyo tababaro kala duwan maaddaama ay ilaaliyaan ammaanka madaxda ugu sareeysa dalka lehna awoodda ay ku sugnaa ammaanka guud .

“Muddo badan ayaan joogay madaxtooyada ciidanka xog dhab ah ayaan ka haya, markii horena xayndaabka madaxtooyada oo dhan waxaa joogay ciidanka waa ku filan yihiin ammaanka guud,” ayuu u sheegay BBC-da Senator Afcaddeey.

Taliyihii hore ee Ciidanka Madaxtooyada Soomaaliya waxa uu sheegay in ciidanka lagu soo tababaro dalal badan oo ka mida adduunka ayna haystaan qalab ku filan.

“Maddaama ay ciidanka yihiin kuwa loogu talgalay in ay ilaaliyaan madaxada si gaar ah ayaa loo soo xulay, waxaana lagu soo tababaray dalal kala duwan oo ay ka mid yihiin Imaaraadka Carabta, Uganda, Itoobiya iyo jabuuti, waxaa kale oo jirta in Midowga Yurub xataa uu tababar siiyo.

Tallaabadaan ayaa hordhac u ah lawareegidda amniga guud ee Soomaaliya ee ciidanka Soomaaliya, waxaana la filayaa in ciidanka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ay si tartiib tartiib ah uga baxaan dalka ilaa dhammaadka sanadka soo socda ee 2024-ka.

Wasiir Cabdulqadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in xarumaha kale ee dowladda ee wali gacanta ay ku hayaan ciidanka ATMIS kala wareegi doonaan ciidanka Soomaaliya.

“Garoonka iyo dakadda oo ah xarumaha ugu weyn ee dowladda ayay wali sii joogi doonan ciidanka waxaana filayaa in ayaga aan kala wareegi doonno ugu dambeyn”.

Si kastaba ha ahaatee, ciidamada ATMIS ayaa wali gacanta ku haya amniga xarumo kale oo muhiim ah oo ku yaalla gudaha magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay ka mid yihiin garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle iyo dekadda weyn ee Muqdisho.

ISHA BBC SOMALIA

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA