Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Wasiirkii arrimaha dibadda dowladda Soomaaliya Abshir Haruuse oo iska casilay xilkiisii

Isniin-December-18-2023-{HMC}  Wasiirka arrimaha dibadda dowladda federaalka Soomaaliya, Abshir Cumar Haruuse ayaa si rasmi ah u shaaciyay inuu iska casilay xilkiisii, isagoona warqaddiisa iscasilaada ah u gudbiyay raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Wasiir Abshir Cumar Haruuse ayaa sheegay sababta uu isaga casilay xilkiisa in ay tahay, si uu waqti iyo madax banaani ugu helo doorashada madaxtinimada dowlad goboleedka Puntland oo uu u sharraxan yahay.

Wasiir Haruuse ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in muddada sanadka iyo barka ah ee uu katirsan yahay xukuumadda Soomaaliya, uu la gaaray guulo waawayn oo ay kamid yihiin, in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta hubka, dayn cafinta, ku biirista EAC iyo qabashada xilka ku xigeenka xoghayaha IGAD.

Abshir Haruuse ayaa maanta oo isniin ah ku wajahan magaalada Garowe, halkaas oo la filayo inuu kaga dhawaaqo musharraxnimadiisa madaxtinimada doorashada Puntland.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA