Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Weerarrada Xuutiyiinta ay ka gaysanayaan Badda Cas oo sababay Qiima koror ku yimid shidaalka

Isniin-December-18-2023-{HMC} Sare u kac ayaa ku yimid Qiimaha Shidaalka waxaana loo sababeeyay weerarrada Kooxaha Xuutiyiinta Yemen fadhigoodu yahay Dalkaas ay ku kordhiyeen maraakiibka isticmaasha Badda Cas sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay Teleefishinka Aljazeera.

Hal Senti ayaa ku kordhay oo waxaa barmiilkii (Fuustadii) Shidaalka ah lagu dhufan jiray 0.4 oo qiima ahaan noqoneysa $76.87, isbaddelka dhanka qiimaha waxaa si toos ah looga dareemay suuqyo badan oo qaarkood dhaca Dalka Maraykanka.

Shirkadaha ka shaqeeya kala gudbinta shidaalka ayaa ku dooday in welwel xooggan uu soo wajahay Maraakiibtooda oo todobaadyo kahor si nabadgalyo isaga kala gudbayay Badda Cas balse markii Xuutiyiintu ay billaabeen weerarrada uu welwelka kordhay.

Inkasta oo Kooxaha Xuutiyiintu ay sheegeen in ay beegsanayaan Maraakiibta Israaiil iyo kuwa u socda dhanka Dekedaha ay maamusho haddana waxaa jira warar sheegaya in cabsidu ay kasii korortay heerkii ay taagneed maalmo kahor.

Cabsida xooggeeda waxa ay bannaanka timid kaddib markii Xuutiyiintu ay gubeen Markab sidoo kalena ay qabsadeen isla markaana sii daba-dhigay hanjabaad toos ah oo aan ka gambasho lahayn waxaana shaqada joojiyay qaar kamid ah Maraakiib shidaalka kala gudbinaysay.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA