Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Mid kamid ah Gobolada Mareykanka oo soo saaray sharci adag oo ka dhan ah dadka darbiga ka booda

Talado-December-19-2023-{HMC} Gobolka Texas ee dalka Mareykanka ayaa soo saaray sharci adag oo ka dhan ah ka gudubka xuduudaha. Waxaa lagu tilmaamay mid sharci darro ah oo lagu muteysan karo xabsi, waana mid ka mid ah sharciyada socdaalka ee ugu adag ee uu meel mariyo gobol ka tirsan Mareykanka waqtiyadan casriga ah.

Barsaabka gobolka Greg Abbott, oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ah, ayaa sheegay inay “joojin doonaan mowjadaha qulqulka muhaajiriinta ee sida sharci darrada ah ku soo galaya Texas”.

Dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha socdaalka ayaa sheegay in sharciga uu horseedi doono isir nacayb.

Tallaabadan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay sii kordhayaan socdaalka sharci darrada ah iyo walaaca shacabka ee ku aaddan sida uu madaxweynaha Mareykanka Joe Biden u maareeyay xadka.

Dadka u ololeeya arrimaha muhaajiriinta ayaa sheegay in sharcigan uu horseedi doono isir takoor.

Tallaabadan Texas ayaa ah mid aad loogu kala qeybsan yahay, qeyb ahaan, sababtoo ah maxkamadaha Mareykanka ayaa hore u xukmiyay in keliya dowladda federaalka ay xoojin karto shuruucda socdaalka.

In xadka looga soo gudbo si sharci-darro ah ayaa hore u ahayd dembi federaal ah, balse haatan hannaanka maxkamadda ee socdaalka ayaa ula macaamisha kiisas rayid oo kale.

SB4, oo dhaqangeli doona March, ayaa waxaa bishii November meel mariyay aqalka Texas ee ay u badan yihiin Jamhuuriga.

Sharciga ayaa saraakiisha booliiska gudaha iyo gobolka u oggolaanaya inay joojiyaan ayna xiraan qof walba oo looga shakiyo inuu xadka si sharci-darro ah uga soo gudbay, marka laga reebo gudaha iskuullada iyo isbitaallada.

Ciqaabta ay mari doonaan dadkan ayaa waxay noqon kartaa xabsi amaba ganaax gaaraya $2,000 (£1,580).

In ka badan 2.4m muhaajiriin ah ayaa lagu xiray xadka Mareykanka iyo Mexico sanadkii 2022

Xaakim ayaa sidoo kale amri kara in dadka lasoo xiray dib loogu celiyo xadka Mexico, inkastoo aysan caddeyn sida maamulka Texas ay u dhaqangelin doonaan arrintaas.

Ganaaxa in qofku mar kale si sharcidraro ah usoo galo ayaa noqon kara 20 sano oo xabsi ah, waxayna ku xiran tahay taariikhda socdaalka iyo dembiga ee qofka.

Bishii November, maamulka gobolka ayaa sheegay in sharciga uu Texas ka dhigi doono meel ammaan ah iyo inuu yahay sharcigii ammaan ee ugu xoogganaa ee ay abid meel mariso Texas.

SB4, si kastaba, ayaa laga yaabaa in loollan sharciyeed uu kala kulmo dadka u dooda socdaalka.

Sharcigan ayaa waxaa sidoo kale cambaareeyay xildhibaannada Dimuqraaddiga ah iyo dowladda Mexico.

Bishii October, Sarah Mehta, oo ah la taliye sare oo dhanka siyaasadda kana tirsan American Civil Liberties Union, ayaa sheegtay in “shuruucda sidan oo kale ay ka dhalan karto isir-takoor, xirid iyo in xarumo lagu hayo muwaadiniinta Mareykanka iyo muhaajiriintaba”.

Afhayeenka Aqalka Cad Angelo Fernández Hernández ayaa sheegtay in “marka guud ahaan loo hadlo, dowladda federaalka – ma aha gobollada – ay ku shaqo leedahay go’aan ka gaaridda sida iyo goorta dadka aan muwaadiniinta ahayn looga saarayo dalkaas sababo la xiriira inay carqaladeeyeen shuruucda socdaalka”.

BBC ayaa la xiriirtay waaxda caddaaladda – oo mas’uul ka noqon doonta inay tallaabo sharci oo heer federaal ah ka qaaddo Texas.

Arrimaha xadka iyo socdaalka ayaa madax-xanuun siyaasadeed ku noqday Madaxweyne Biden.

Sanadkii 2022, guud ahaan 2.4 milyan oo muhaajiriin ah ayaa lagu diwaangeliyay xadka, waana tiro aad u sarreysa.

Xildhibaannada Jamhuuriga ayaa doonayay in gargaarka militari ee Mareykanka ee Ukraine loo adeegsado dejinta siyaasadaha looga hortagayo socdaalka sharci-darrada ah.

Xigasho BBC

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA