Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Deni, Karaash & Cabdirashiid Jibriil oo la kulmay Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada Puntland

Talado-December-19-2023-{HMC}  Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa Magaalada Garoowe ku kulansiiyay Madaxda muddo xileedka uu kasii dhammaanayo ee kala ah Madaxweyne Siciid Cabdullaahe Deni, Ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash & Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Abwaanka.

Saddexdaan mas’uul ayaa midba daraf ka istaagay doorashada Dowlad-Goboleedka Puntland maadaama meesha ay ka baxday muddo kordhintii ay ku raadinayeen Doorasho Dadweyne oo waqti dheeraad ah ku qaadanaysa marka la eego muddo xileedkooda oo ku siman 7da Janaayo 2024 si 8da bishaas loo qabto Doorasho.

Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada Dowlad-Goboleedka Puntland oo ku howlan daminta dabka siyaasadeed ee ka dhashay muranka Doorashooyinka ayaa diiradda saaray dhinacyada uu u arko guddigaas in ay fure u yihiin dejinta mowjadaha siyaasadda ee ka aloosan deegaannada Dowlad-Goboleedkaas.

Qoraal kooban oo ay soosaartay Madaxtooyada Dowlad-Goboleedka Puntland ayay ku sheegtay in Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada uu Madaxda Dowlad-Goboleedkaas kula dardaarmay in ay waajibkooda u gutaan si wanaagsan iyada oo la raacayo habraacii soo jireenka ahaa ee 66da Xildhibaan hore ee ku imaan jireen.

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad-Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa dhowaan eedeyn culus u jeediyay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo uu ku tilmaamay in uu yahay kaligii talis isla markaana qaadanaya mas’uuliyadda wixii ka dhasha muranka Doorashada inkasta oo haatan xal loo helay.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA