Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay meelaha ugu dambeeya oo ay ka baxayaan Ciidamada ATMIS

Talado-December-19-2023-{HMC} Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur oo ka hadlaayay qorshaha bixitaanka ciidanka ATMIS ayaa sheegay inuu u socdo sidii loogu talo galay.

Wasiir Jaamac ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka ATMIS gabi ahaanba dalka isaga bixi doonaan dhamaadka sanadka soo socda ee 2024-ka, islamarkaana wixii ka horeeya si tartiib tartiib ah ciidanka dowlada kula wareegayaan amniga goobaha ay ka baxaan.

Wuxuu sidoo kale tillmaamay wasiirka Gaashaandhiga in goobaha ugu dambeeya ee ciidanka ATMIS ka baxayaan ay kala yihiin garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho.

“Garoonka Diyaaradaha iyo Dekedda Muqdisho waa goobaha ugu dambeeya ee ciidanka ATMIS ka baxayaan, qaybaha ugu dambeeya ee bixitaanka askartaan ayay ku jiraan, Dalka oo dhan amnigiisa ayaa lala wareegayaa micnaheedu waa in ciidanka Soomaaliya ay ku filnaadaan amniga guud ee Dalka” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Bisha Decembar ee sanadka 2024 ayaa la sheegay inuu yahay waqtiga ugu dambeeya ee guud ahaan dalka isaga baxayaan ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS sida ay horay u shaacisay dowladda Soomaaliya, hayeeshee waxaa suurtagal ah inuu soo kordho isbadal kale.

Laba maalin ka hor ayay aheyd markii ciidanka xoogga dalka ay kala wareegeen amniga guud ee Madaxtooyada dalka ciidanka Midowga Afrika ee haatan ku howlgala magaca ATMIS oo amniga Madaxtooyada gacanta ku haayay mudo ku siman 16 sano.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA