Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Hadalkii cajiibka ee Xamza Cabdi Barre oo ugu dambeyn rumoobay

Talado-December-19-2023-{HMC} Xamza Cabdi Barre inkasta oo uu ku cusub yahay miisaanka sare ee siyaasadda Soomaaliya, haddana dhinaca kale wuxuu ahaa siyaasigii koowaad ee madaxda sare ee dalka ka tirsan oo durba sheega sida uu u diidan yahay inuu subax walba albaabkiisa ku arko askari ajnabi ah oo aan Muslim aheyn oo ka ilaalinaya dad Soomaali ah.

Ra’iisul Wasaare Xamza waxa uu sii daayay hadal ay ajnabiga Soomaaliya jooga aad u dhibsadeen xilli uu maalmo kooban joogat xafiiska bishii Juun 2022.

Xamza ayaa markaas sheegay in aysan qaban Soomaalida in ay aqbalaan in Madaxtooyadda ilaaliyaan gabar Afrikaan ah oo Muslim aheyn, ayna ka waardiyeyso dad Soomaali ah.

“In aan aqbalo in meesha hadda ka imid ee deganahay ee Madaxtooyada in ay gabar Afrikaan ah oo miskiin ah oo Muslim aheyn oo Salaad iyo Diin Ilaahay aan shaqo ku laheyn inay i waardiyeyso oo ay Soomaali iga waardiyeyso wax lagu qanci karo ma ahan,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Waxa uu intaas kusii daray “Ha lagu badbaadiye haddii ay cid kale ka badbaadinayaan macquul ayay ahaan laheyd laakiin in walaalka laga badbaadiyo wax la qaadan karo ma ahan. Weli caqligeena wuu gedisan yahay suurta-gal ma ahan.”

Inkasta oo dad badan ay dureen doodda Xamza, haddana waxaa dhinaca kale dadka qaarkii u muuqday inuu damiir hadlay uuna u socday dhinac loo baahan yahay oo ahaa in ciidan Soomaaliyeed loo dhiibo amaanadda xafiisyada sare ee dalka iyo amniga madaxda.

Hal sano iyo dhowr billood kadib hadalkii Xamza ayaa dhab noqday, xalay ra’iisul wasaaraha wuxuu ku hoyday gurigiisa isaga oo uusan ilaalineyn askari ajnabi, xafiiskiisana waa laga hor wareejiyay gabadhii ajnabiga aheyd ee uu diiday inuu ku qanco inay ilaaliso oo ay Soomaali kale ka ilaaliso.

Amniga xafiiska madaxweynaha, midka ra’iisul wasaaraha iyo kan guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa 16 sano kadib waxaa Axadii si rasmi ah ula wareegay ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan guutada loo yaqaano 77.

Waxay arrintaasi qeyb ka tahay bixitaanka guud ee ciidanka Midowga Afrika oo Soomaaliya joogay lix iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay.

Xamza hadda waa Soomaali u shaqeynaya Soomaaliya, ayna ilaalinayaan ciidan Soomaaliyeed oo malaha ka nasiib badan ra’iisul wasaarayaal badan oo xilka uga horreeyay oo aan fursadaan kale helin, waxaana cajiib aheyn inuu diidmadiisa ajnabiga soo hormarsaday.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA