Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Mid kamid ah Wadamada Yurub oo sheegtay in wada-hadal la galayaan Burcad badeed Soomaalida ah ?

Talaado-December-19-2023-{HMC}  Ra’isul-wasaaraha dalka Bulgaria, Nikolai Denvok ayaa ku dhawaaqay inay diyaar u yihiin inay Wada-hadal la bilaabaan Burcad-baddeeda Soomaalida ee gacanta ku haya Markabka Xamuulka ee isbuucii hore laga qafaashay Gacanka Cadmeed

 

Waxa uu intaasi ku daray inay ku rajo weyn yihiin inay sida ugu dhaqsaha badan ay Burcad-baddeeda kala xaajoodaan Lacagta Madax Furashada, si loo sii daayo Shaqaalaha iyo Markabka la afduubtay oo lagu magacaabo MV RUEN

 

Markabkaasi oo ku safrayey Calanka Jesiiradda Malta, waxaa uu waday Rar Shixnad Kiimikada loo adeegsado Bacriminta Beeraha

 

Markabkaasi oo ay la socdaan 18 Badmaax ayaa waxaa dabayaaqadii isbuucii hore lagu arkay meel ka baxsan Xeebta magaalladda Bandar Murcaayo ee Maamulka Puntland

 

Dhanka kale, Ra’isul-wasaaraha dalka Bulgaria, Nikolai Denkov oo xilkaasi hayey tan iyo bishii June 6-dii ee sanadkan 2023-ka wax Faahfaahin dheeraad ah kama bixinin Kharajka Madax Furashada ee ay Burcad-baddeeda codsadeen iyo Qolyaha Dhexdhexaadinta ee Dallaalka ka ah Wada-xaajoodkaasi

 

Sidoo kale, ilaa haatan wax war ah kama soo bixin Burcad-baddeeda afduubatay Markabka Xamuulka dalka Bulgaria ee RUEN oo ku aadan Cadadka Lacagta madax furashada ee ay dalbadeen, si loo sii daayo Markabka iyo Badmaaxiinta la socota

 

Si kastaba, Markabka la qafaashay oo la sheegay inuu meereysanayo Xeebaha Bariga Somalia ayaa waxaa ilaalo ka haya Maraakiib Dagaal oo laga leeyahay dalka Hindiya, kuwaasi oo uu Gurmad ka codsaday Kabtanka Markabka la qafaashay.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA