Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Tirada guud ee dadka Falastiiniyiinta ah ay xasuuqeen ciidamada Israa’iil oo la shaaciyay

Talado-December-19-2023-{HMC}  Ciidamada Israa’iil ayaa weeraro isugu jira cir iyo dhul wali kawada magaalada Gaza ee dhulka Falastiin, waxa ayna ciidamada si aan kala sooc laheyn u beegsanayaan shacabka ku go’doonsan qeybo kamid ah Gaza.

Wasaaradda Caafimaadka ee magaalada Gaza ayaa soo bandhigtay tira-koobkii ugu dambeeyay dadka ay ciidamada Israa’iil ku xasuuqeen magaalada Gaza, kuwaa oo u badan haween iyo carruur.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda caafimaadka magaalada Gaza ayaa lagu shaaciyay in tirada dadka ay laayeen ciidamada Israa’iil ay hadda gaarayaan 19,453 qof , waxaana duqeymaha si xun ugu dhaawacmay tiro intaasi ka badan.

Dadka ay ciidamada Israa’iil ku laayeen duqeymaha nagaalada Gaza 7,739 kamid ah ayaa la sheegay in ay yihiin carruur, waxaa sidoo kale dadka la laayay ku jira haween badan, dad da’ ah iyo dhallinyaro mustaqbal ifaya lahaa.

Waddamada reer Galbeedka iyo kuwa Carabta ayaa iska daawanaya xasuuqa Israa’iil geesaneyso, mana jiro ilaa hadda dowlado waa weyn oo xasuuq iyo dambi dagaal u aqoonsanaya tacadiyada Israa’iil ka geesaneyso magaalada Gaza.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA