Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal Qorsheysan ka fuliyay Gobolada Sh.Dhexe iyo Galgaduud

Arbaco-December-20-2023-{HMC}  Ciidanka Xoogga dalka soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 24-aad ee Khaalid Binu Waliid ayaa sheegay in howgal bur burin ah ka sameeyay deegaano kala qaybiya gobolada Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud.

Howlgalkaan oo ahaa mid qorshaysan ayeey Ciidanka Xoogga ku bur buriyeen fariisimo ay AS ku lahayd dhulka howdka ah gaar ahaan goob ay isku aruursanayeen, waxaana sidaasi sheegay saraakiisha Ciidanka Dowladda.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in howlgalku uu ahaa mid guulaystay, sidoo kalena ay khasaare ku gaarsiiyeen dagaalamayaasha AS.

Ciidamada ayaa wali wada howlgalka, iyagoo doonaya in gabi ahaan dhulka ku teedsan xadka kala qaybiya gobolada Shabeelaha dhexe iyo Galgaduud ay la wareegaan.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA