Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Halkee Ayaa Lagu Aasayaa Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye oo ku geeriyootay Dalka Jabuuti?

Arbaco-December-20-2023-{HMC} – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in meydka Allaha u naxariistee wasiir Khadiija Diiriye berri loo qaadi doono magaalada Muqdisho, si halkaas loogu sameeyo aas qaran.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa xaqiijiyey in meydka marxuum Khadiija Diiriye berri laga deji ayo Muqdisho, iyadoo la abaabulay qorshe aas qaran loogu sameynayo.

Guddi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa loo xil-saaray qaban qaabada aaska qaran ee loo sameynayo wasiir Khadiija.

“Khadiijo door firfircoon ayey ka soo qaadatay dhismaha dowladnimada Soomaaliya, dowladda oo qirsan in waqtigeedii ugu badnaa ay u soo hurtay qarankaan waxay go’aansatay in dib loogu celiyo Muqdisho, si aas qaran loogu sameeyo marxuum Khadiija Diiriye,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Soomalaiya.

Wasiir Daa’uud ayaa sheegay in Marxuum Khadiija ay ku jirtay madaxdii Soomaaliyeed ee lagu casuumay shirka Heritage ee Jabuuti ka socda, balse ay xanuunsatay, kadibna la dhigay isbitaal.

“Markii aan ka soo degnay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jabuuti ayey xanuunsatay, isbitaal ayaa la dhigay, dadaal badan ayaa la sameeyey, qaliin yar ayey martay, balse amarkii Alle ayaa maanta dhacay oo ugu dambeyn waa ay geeriyootay,” ayuu yiri wasiir Daa’uud Aweys.

Allaha u naxariistee Wasiir Khadiijo ayaa dowladnimada Soomaaliya ku soo dhexjirtay 23-kii sano ee lasoo dhaafay, waxay ka mid aheyd baarlamaankii lagu soo dhisay magaalada Carta ee dalka Jabuuti, ilaa ay hadda ka geeriyootana waxay aheyd xildhibaan heer federaal ah.

Waxaa la sheegay inay ifka uga tagtay lix qof oo ay dhashay, 12 jeer ayey soo noqotay wasiir, waxayna aheyd qof laga jecelyahay siyaasadda Soomaaliya.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA