Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Hay’adda Lacagta Adduunka IMF oo Soomaaliya u Deeqeysa lacag maaliyeed oo dhan $100 Milyan

Hay’adda Lacagta Adduunka ee loosoo gaabiyo IMF ayaa ansixisay hannaan cusub oo Soomaaliya lagu taagaarayo si ay u hesho lacago ay ku kobciso dhaqaalaheeda isla markaana saddex sanno qorshahaas uu yahay

 

Lacagta IMF ay ansixisay waa $100 Milyan oo doollar oo 3 sano lagu siinayo Dowladda Soomaaliya oo dhowaan si rasmi ah looga cafiyay dayntii waqtiga dheer lagu lahaa kaddib markii ay kasoo baxday shuruudihii la hordhigay

 

Soomaaliya ayaa horumar muuqda ka samaysay hagaajinta hannaanka Maaliyadda, kobcinta dhaqaalaha Dalka, sare u qaadista Miisaaniyadda iyo dhammaystirka barmaanijka ay kula dagaalamayso Musuqa {Wax isdaba-marinta}

 

Barnaamijkaan cusub ayaa ujeedkiisu yahay in wax laga qabto caqabadahaan iyada oo la taageerayo istaraatiijiyadaha dib u habaynta ee lagu xoojinayo dhaqaalaha Soomaaliya ee marxaladda Dayn cafinta kasoo gudbay

 

Hay’adda Lacagta Adduunka IMF ayaa ku qanacday hannaanka Maaliyadda Soomaaliya, dib u hagaajinta iyo horumarka ay ku tallaabsadeen Hay’adaha ka shaqeeya dhinaca Lacagta ee Dalka oo sanadihii u dambeeyay kordhiyay dedaalka xooggan oo ay sameynayaan

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA