Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Is afgarad laga gaaray biyo-xireenka muranka badan dhaliyay ee Itoobiya

Arbaco-December-20-2023-{HMC}  Wadahadalladii ugu dambeeyay ee ku saabsanaa biyo-xireenka muranka badan dhaliyay ee Itoobiya ayaa kusoo dhamaaday guul.

Wadahadalka oo Addis Ababa ka socday muddo laba maalmood ah, ayaa waxaa isugu yimid wakiillo ka socda Itoobiya, iyo labada dal ee – Masar iyo Suudaan – kuwaas oo muddo dheer ka walaacsanaa in biyo-xireenka uu khatar gelin karo sahaydooda muhiimka ah ee biyaha.

Biyo-xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) oo ku kacaya $4.6 bilyan ayaa noqon doona mid ka mid ah warshadaha korontadda ee ugu weyn Afrika marka ay si buuxda u shaqeyso taas oo awood u yeelan karta in ay dhaliso 5000 megawatts oo koronto ah; Addis Ababa waxay rajaynaysaa inay gacan ka gaysan doonto dadaalkeeda ku aaddan bixinta koronto malaayiin qoys.

Dhismaha biyo-xireenka GERD wuxuu bilaabmay 2011-kii, wada-xaajoodyo badan oo tan iyo xilligaasi ka dambeeyayna waa lagu guul-darreystay inay horseedaan heshiis dhab ah.

Bishii Luulyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa ballan qaaday inay dhameystirayaan heshiiska. Ka dib afar wareeg oo wadahadalo ah ayaa lagu qabtay Qaahira iyo Addis Ababa laakiin midkoodna ma noqon mid mira-dhala.

Biyo-xireenka ayaa gabagabo ku dhow, Itoobiya ayaa billowday inay koronto dhaliso sannadkii hore balse si buuxda uma shaqeyn.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA