Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxkamad xukuntay in Donald Trump uusan u tartami karin xilka madaxtinimada sanadka soo socda

Arbaco-December-20-2023-{HMC}  Maxkamadda Sare ee gobolka Colorado ayaa xukuntay in Donald Trump uusan u tartami karin xilka madaxtinimada sanadka soo socda, iyadoo soo xiganeysa qodob ka mid ah dastuurka.

Go’aan taariikhi ah, ayay maxkamaddu ku xukuntay in Mr Trump aanu ahayn musharax u qalma.

Waa markii ugu horeysay ee qaybta 3aad ee wax ka bedelka 14aad ee dastuurka Maraykanka loo isticmaalo in laga reebo musharaxa madaxweyne.

Isku dayo dhowr ah oo lagu doonayay in Mr Trump laga tuuro doorashada ayaa lagu guuldareystay.

Go’aankan ayaa ilaa bisha racfaan laga qaadan karaa ilaa bisha soo socota waxaana la sheegay inuusan quseyn gobolada kale.

Xukunka ayaa kaliya khuseeya doorashada hordhaca ah ee gobolka ee 5-ta Maarso, markaas oo codbixiyayaasha Jamhuuriga ay dooran doonaan musharraxa ay doorbidayaan ee madaxweynaha, in kasta oo ay saameyn ku yeelan karto doorashada guud ee November.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA